Kooxda Paris Saint-Germain ayaa marti galin  doonta kooxda Borussia Dortmund kulan ah qeybta labaad ee semi-finalka Champions League. Lugtii hore ayaa Dortmund ku guuleysatay iyadoo kooxda Faransiiska Ay 1-0 ku raacday kulankii toddobaadkii hore ka dhacay Dalka Jarmalka. Niclas Fullkrug ayaa gool uu qeybta  hore u dhaliyay kooxdiisa Borussia ahaa mid ku filnaa inay guul ku gaaraan   gurigooda halka ay caawana ku  kulmayaan garoonka Parc des Princes ee Kooxda reer franse halkaas oo ay PSG rajeyneyso inay ay ka soo kabato guul daradii ayna uga sii gudubto finalkii ugu horreeyay ee Champions League tan iyo sanadka 2020. Kooxda PSG ayaa wali raadineysa koobkii champions leage ee ugu horeysay ee abid ay qaaado tartanka kooxdaha waa weyn ee yurub ka dhaxeeyo  iyo Kylian Mbappe oo ka tagi doono kooxda xagaagan ayaa  isku dayaya in uu ku hogaamiyo kooxda koobkaan uuna soo afjaraan riyada kooxda Borusia ee aha inay mar kale qaadan koobkan champions league oo ay hal mar hore qaadeen.                                                                                                    Warka kooxaha. Daafaca kooxda PSG Lucas Hernandez ayaa lugta hore dhaawac wayn oo xaga jilibka ah soo gaaray waxaana lagu wadaa inuu garoomada ka maqnaan doono ugu yaraan lix bilood, sidaasi daraadeed Lucas Beraldo iyo Milan Skriniar ayaa midkoodna u bilaaban doona. Presnel Kimpembe, Layvin Kurzawa iyo Sergio Rico ayaa dhamaantood weli maqan, halka ay ku soo bilaaban karaan xidigaha kala ah Marco Asensio iyo Goncalo Ramos ay ku soo bilaabanayaan. Dortmund oo aad isu badashay ka dib marki ay Augsburg 5-1 ku dhufteen garoonkood kulan ka tirsan Bundesliga sabtidii, inkastoo ay hada dib ugu soo noqden xidigo waa weyn kuwaas oo ka soo noqdey dhaawacyo ay qabeen waxey diyaar u noqon  doonan safarka Paris ay ku soo aadeen. Jadon Sancho, oo lugtii hore aad ugu fiicnaa, Emre Can iyo Fullkrug ayaa dhamaantood ahaa keyd aan la cayaarsiin Sabtida, laakin waxaa lagu wadaa inay ku soo  bilaabaan  doonaan kulankaan ka dhici doono garoonka Parc des Princes ee PSG. Marco Reus ayaa laga yaabaa inuu si fiican u ciyaaray xili ciyaareedkaN  kadib markii uu hal gool dhaliyay uuna labo goolna baasey ciyaaryii Augsburg ay la dheelin maalin kadib markii uu ku dhawaaqay inuu kooxda ka tagi doono xagaaga. Waxaa jira calaamado su’aalo laga keenay taam ahaansha dhowr ciyaartoy oo ka tirsan kooxda Borusia Dortmon ah oo ay ka mid yihiin Julian Ryerson, Ramy Bensebaini, Sebastien Haller iyo Karim Adeyemi oo dhamaantood lagu qiimeeyay inay yihiin dhaawacyo oo shaki weyna laga qabo in ay saftaan kulanka  lugta labaad. Kooxda SG ayaa gool dhalisay 10 gool dhamaan shantii kulan ee ay garoonkeeda ku ciyaartay xilli ciyaareedkaan Champions League xilli ciyaareedkaan. Mbappe ayaa ilaa iyo haatan 8 gool ka dhalisay tartanka ciyaarayahankan  ayaa kula biirey gool dhalinta ugu sareeya xidigii kooxda Bayern Munich ee Harry Kane oo isana leh 8 gool koobkan champions league.                                                                       Kulankani waxa uu noqonayaa kii afraad oo dhexmara labada kooxood ee champions League xilli ciyaareedkaan kadib markii ay isku dhaceen qeybta guruubyada ee PSG oo 2-0 ku garaacday kooxda Dortmund iyadoona ciyaartii qeybta labaad ee germany ay 1-1 ku dhamaatey cayaartaas.

Wixii warar ah kala socdo halkaan maalin kasta iyo saacad kasta.

Wargeyska sports footbool.net https://www.livescore.com/

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *