Erik ten Hag ayaa qirtay in Manchester United ay ‘dubtay’ Crystal Palace laakin wuxuu ku adkeeystey inuu yahay macalinka saxda ah ee horyaalka u qaadayo kooxda. Man Utd ayaa hoos u dhac cusub iyo guul daro xanuun badan la kulantey kulankii xaley maadaama ay dulleeyeen Crystal Palace 4–0 ay kaga adkaadeen garoonka Selhurst Park habeenkii xaley ahaa. Michael Olise ayaa dhaliyey laba gool oo qurux badan kuwaaas oo ay ka soo shaqeeyeen xidiga kala ah Tyrick Mitchell iyo Jean-Philippe Mateta habeenkii xaley ahaa taasi oo  xilli ciyaareedka United hoos u sii dejisey ayagaoo hada tagaan kaalinta siddeedaad ee Horyaalka dhanka farqiga goolasha waxey ku jiraa 3 gool oo minis ah. Manchested United ayaa 81 gool laga dhaliyey dhamaan tartamada oo dhan xilli ciyaareedkaan, waana tii ugu badneyd ee laga dhaliyo hal xili cayaareed tan iyo 1976–77, ayada oo difaacooda aad u liitey taasi oo keentay in lagu dubto garoonka Crystal palace ee Selhurst Park iyadoo Casemiro oo u cayaarayey daafaca dhexe ee si ku meel gaar ah maadama ay dhamaan daafacyadii naadiga ay dhaawacnaayeen. Olise ayaa helay fursd banaan oo qadka dhexe isagoo dhaliyey goolkii kowaad ee kooxda Palace kaas oo ka yimid soo tuuris dheer ka dib, waxaana Ten Hag uu shaaca ka qaaday in ciyaartooyda aysan dhaqan galinin farsamadii uu u soo qorsheeyey in ay cayaartaan ku cayaaran. “Waa gool aan nala dhalin laheyn  sababtoo ah runtii waxaan u sheegay sida cad sidaan goolkaan oo kale u  difaacan lahayn,” ayuu u sheegay Sky Sports. “Ma aysan la soo galin garoonka qaabkii aan u soo sheegay midaas ayaana keentay in nalagu dhubto garoonka Crystal palace. “Waxaa jirtay qaladaad dhanka bidix ah taasi oo aheyd  in labo ciyaartoy ay raacdeen hal ciyaaryahan taasi oo fursad siisey kuwa kale ee ka soo inaga soo horjeeday, Taasi waa difaaca oo aad u liita.” Ayuu yiri Ten Haag. Casemiro ayaa waayay oo qaban waayey  Olise oo khadka dhexe ee  ciyaarta maamuleaayey  inkastoo Ten Hag ay ku adkaysteen in kooxda dhan ay galeen qaladka oo aan hal qof ku laheyn eeda loo jeedinaayo dhanka guul darada ah. Eeda waa kooxda oo dhan sababtoo ah ma raacin qaabkii aan u dejiyey, mana la qabsan falsafadeyda cayaareed ee ah in la soo dhiso kubada iyo  in la xakameeyo cadaadiska lagu soo saaro. Shan ciyaartoy oo kubada la dul yimid goolka laakin aan hal shuut ku tuurin goolka kooxda kale waa wax aan , suurtagal aheyn. Ayuu yiri Ten Hag. “Waa wax iska cad, tani waa wax aan habooneyn. Sida aan rabno uma aanaan dhaqan galin mana ahan wax ku filan oo fiican. Aad iyo aad baan u niyad jabnay. Taageerayaasheena ayaa naga danbeeya, waa inaan sii wadno dagaalka sida ay taageerayaasheena ay inoo garab taagan yihiin habeen iyo waalin guul iyo guul daroba, waan in aan la imaanaa waxa qancin kara iyaga iyo dhamaan kooxda oo dhan, uma qalmaan xeerka aan hada joogno koox ahaan.

Wixii warbixno ah ee cayaaraha kala socda halkaan.

Wargeyska sports footbool.net  Sky Sports – Sports News, Transfers, Scores | Watch Live Sport

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *