Real Madrid ayaa haatan qaadey horyaalka LaLiga oo ah tii 36-aad ee taariikhdeedii. Kooxda real madrida ayaa horyaalka ku xaqiijisatay guul ay ka gaareen Cádiz kulankii shaley iyadoo ay afar kulan ka harsan tahay horyaalka. Madrid ayaa 5 guul oo xiriir ah ku bilaabatay horyaal LaLiga iyagoo cayaarti labaad ee xigteyna ay hogaanka ku qabatay shantii kulan ee ugu horyeeyey sidey hogaanka ula wareegtey waa ay ku qaaden kaliya inkastoo dhowr jeer oo hore laga qabtey hogaanka ka dib, waxay xoojiyeen hogaanka horyaalka ugu sareysa laga bilaabo kulanki 18aad ee horyaalka. Kooxda real madrid oo ay haleeleen dhaawacyo halis ah oo ka soo gaaray xidigo badan oo ay ka mid yihiin Courtois, Militão iyo Alaba, waxay si cajiib ah u soo bandhigeen weerar iyo difaac labadaba. Ilaa iyo hada kooxda Ancelotti ayaa ah kooxda ugu goolasha badan waxaana ay noqdeen kooxdii goolasha  ugu yaraa horyaalka laga dhaliyey waxayna guuldaro la aan noqdeen 18 kulan oo xariir ah. Gooldhaliyayaasha.                                                                                                                                         Cayaartoyda ugu sareya kooxda waxaa ka mid ah kooxda Bellingham oo sanadka ugu horeyey si cajiib leh ugu soo dhalaaley xili ciyaareedkaan kooxda real Madrid. 10kiisi kulan  ee ugu horeysay ee Horyaalka LaLigaha wuxuu  dhaliyay 10- gool, waxaa uu  sidoo kalana go’aan ayuu ka gaaray labada Clásicos taasi uu uu dhaliyey goolasha guusha labadaas kulanba, Magaalada Barcelon ayuu gool  ku dhaliyay si uu kooxdeena guusha u siiyo iyo garoonka Bernabéu ku dhameeyay soo laabashadii waynayd isaga oo gool ku dhaliyay waqtigii dhimashada cayaarta Ninka ingiriiska waqti fiican ku qaadanaya Spain iyo kooxda Real madrid isagoo 18 gool ka dhaliyay horyaalka laligaha.                             Vini Jr. ayaa isna door muhiim ah ka ciyaaray ku guuleysiga horyaalka isagoo dhaliyay 13 gool iyo 13 caawin ah. Laacibka reer Brazil ayaa sii wada cadayntiisa inuu ka mid yahay laacibiinta ugu saameynta badan kubada cagta aduunka isaga oo garoonka jooga real Madrid aan laga badin hal kulan oo ka dhacay Laliga. Ancelotti ayaa dhankiisa kusoo daray liiska sharafta uu ku maamuusay xili uu ku guuleysto koobkiisii labaad ee horyaalka iyo koobkiisii 12-aad ee Real Madrid oo uu macalinka u yahay Real Madrid. Talyaaniga ayaa ah macalinka kaliya ee ku guuleystay horyaalka heerarka sare ee dalalka Spain, England, Germany, Italy iyo France.

wixii warar ah kala socdo halkaan.

Wargeyska sports footbool.net https://www.realmadrid.com//

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *