Kooxda iska soo  horjeeda horyaalka Premier League ee Arsenal iyo Manchester City ayaa maalinimadii Sabtida inta badan waxay ku haminayeen inay mid mida kale la qabto oo ay fursad mesha ka helaan, laakiin ma jirin wax sibrixasho ah oo soo gaaray maadaama labada dhinac ay guulo ka soo gaareen kulamadii ay guridooda ku cayaareen.                                                                                 Gunners ayaa ugu dambeyntii kala jabisay kooxda Bournemouth waxayna garaacee 3-0 kooxdii martida ku aheyd garoonka Emirates Stadium ee kooxda Arsenal, laakiin Kooxda Cityzens ayaa muujisay calaamado cadaadis kaas oo ka dhashey culayska ay kala kul mayaan kooxda Arsenal taasi ayaa sababtey in ay 5-1 kaga adkaadeen kooxda Wolves iyadoo Erling Haaland uu afar jeer uu shabaqa soo taabtey isagoo dhaliyey afar gool kulankaan. Iyadoo xilli ciyaareedka 2023/24 uu soo gabagaboobayo, hadana waxaan halkaan ku soo qaadaneynaa  waxa ay Arsenal iyo Man City u baahan yihiin in ay sameyaan todobaadyada ugu dambeeya  lagu xaqiijinayo ku guuleysiga horyaalka. Inkastoo Arsenal ay ku jirto booska hogaanka sare kadib markii ay Sabtidii guushii ay ka gaareen Bournemouth kulankoodi. waxay weli u baahan yihiin in ay wada badiyaan kulamada ku harsan oo dhan iyo  in ay kooxda  Man City hal kulan kufto  si ay u guuleystaan koobkii ugu horreeyay ee Premier League tan iyo 2003/04. Natiijooyinkii isbuucaan dhamaadey ayaa ka dhigan in kooxda Mikel Arteta ay wali hal dhibcood dhibic hoogaanka kaga haayaan kooxda Man city ee Pep Guardiola oo gebi ahaanba burburiyey kooxda Wolves isla  maalintii sabtida aheyd, laakiin kooxda city ayaa wali gacanta ku heysata hal kulan.  Haddii ay labada dhinac badiso dhamaan kulamada haray, waxaa kooxda Cityzens qaadi doonaan horyaalkii 4-aad ee  xariir ah. Farqiga gool dhalinta ayaa haatan ku jira Arsenal kaalinta koowaa ayaa dhaliyey 60 gool marka la barbardhigo Man city 54 gool dhalisey, taasoo micneheedu yahay in hal kulan oo barbardhac ay  kooxda city gasho ay fursad u siin doonto kooxda Arsenal in ay horyaalkii ku qaadaan farqiga goolasha ay haatan hogaanka u haayaan.  Liverpool ayaa weli farsamo ahaan ku dhameysan karta afarta sare balse way ku adkaan doontaa in ay ku hamiyaan hoyraalka hada socda maadaama ay  labada kooxood ee ugu sareeya hada horyaalka ay ku hogaaminayaan farqiga sideedda dhibcood ah. Arsenal oo kulankeeda xiga Premier League waa mid adag, waxeyn soo aadi doonaan  garoonka Old Trafford ayna la kulmi doonan  kooxda Manchester United. Gunners iyo Red Devils ayaa mar ahaan jiray kooxaha sida aadka ah isaga soo horjeeda tartanka hogaaminaya laakiin kooxda Erik toban Hag ayaa ku dhameysatey horyaal niyad jab badan waxayna ku dhameysan karaan kaliya kaalinta shanaad hadii ay waxa ugu fiican sameeyaan waqti xaadirkaan. kooxda Arteta ayaa markaas ka dibna haysta hal isbuuc si ay ugu diyaar garoobaan kulankooda ugu dambeeya ee xilli ciyaareedkii ay gurigooda kula cayaari doonaan kooxda everton, kuwaas oo dhawaan xaqiijisatay booska horyaalka ee premier league in ay ku si jiraan sanadka soo socda inkastoo dhibcood laga jaray intii uu socdey horyaalkaan laakin wax dhibaato ah kuma keenin booskooda.

wixii warar ah kala socda halkaan

Wargeyska sports footbool.net Football News, Transfer News, League Tables

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *