Rajadii kooxda Tottenham ee Champions League ayaa la kulantay dharbaaxo xun ka dib markii ay ku dhacday guuldaradii 2-0 ee Premier League ee ay Chelsea ku garaacday Stamford Bridge. Kooxda Ange Postecoglou ayaa 7 dhibcood ka danbeysa kooxda Aston Villa oo kaalinta afraad ku jirta, waxayna gacata ku haystaa hal kulan taasi oo ka dhigeysa hadii aston badiso kulanka ay gacanta ku haysato in ay 10 dhibcood ka sareyneyso, iyadoo goolasha ay kala dhaliyeen Trevoh Chalobah iyo Nicolas Jackson ay keentay in Mauricio Pochettino uu guul ka gaadho kooxdiisii ​​hore si uu sare ugu qaado fursadaha ay kooxdiisu ugu soo bixi karto koobabka kale ee Yurub. Kooxdii Spurs caawa laga arkin kubadii weerarka badneyd ee aheyd orodka kaliya, si fiican uma aysan dhaqaaqeyn, oo marnaba cadaadis culus ma saarin daafaca dambe ee Chelsea oo ahaa kan ugu liitey daafacyada oo marey Chelsea kaasi oo jabiyey rikoorkii ugu xumaa ee daafaca ee kooxda in ka badan 30 sano.Taa bedelkeeda, ayey kooxda  Spurs u muuqday mid jilicsan oo daciif ah. Markii hore goolka Chalobah waxaa si fiican u soo karoosay Conor Gallagher qeybtii hore ee ciyaarta iyadoo Chelsea ay hogaanka u qalantay ku qabatey, ka dib markii 18 daqiiqo ay ka harsan tahay Son Heung-min iyo Pierre-Emile Hojbjerg ayaa wax yar dhaq dhaqaaq ah sameeyay.

Chelsea ayaa soo gashay kaalinta 8-aad, waana booskeedii ugu sareeyay tan iyo markii la magacaabay Pochettino bishii Luulyo, waxayna rajo ka qabtaa inay gaarto Europa League, laakiin hamiga afarta sare ee Tottenham ayaa hadda u muuqda mid aan macquul aheyn ama rajo ku dhacdey god dheer kulankii xaley ka dib ayadoo ay soo garaacdey Arsenal axadii la soo dhaafey. Kooxda Chelsea ayaa sameeyay bilawgii cayaarta kubada aad u fiican. Afar daqiiqo kaliya markey socotey cayaarta ayaa , Mykhailo Mudryk kubad u dhigay dhinaca bidix. Noni Madueke, oo ka soo kabtay goolki uu ka dhaliyay Villa sabtidii, ayaa ku dhawaaday bartamihii qeybta hore in uu gool kale la yimaado ,Ka dib markii uu ka soo dhex baxey khadka dhexe ee midigta, waxa uu soo dhex maray laba daafac oo Spurs ah, waxaana uu ku dhuftay kubadii bilta ka dibna banaanka aadey. Kadibna waxaa yimid goolkii furitaanka. Laad xor ah oo uu soo tuuray Gallagher ayaa qof walba dul mariyay, waxaan dhabarka dambe ka helay Chalobah, isagoo booday oo kubad madax ku dhuftey taasi oo gool ka uu dhex dhigey.

15 daqiiqo ka dib nasashada, kooxda Tottenham ayaa ku heshay fursad kooxda Chelsea qeybtii dambe ee cayaarta ka dib markii uu  Porro ayaa dhanka midig ka soo xaroodey wuxuuna ku qasbay Djordje Petrovic in uu kubbada ku garaaco birta taasi oo ahayd fursadii ugu fiicneyd ee soo marta kooxda kooxdi martida ahaa.
James Maddison ayaa looga yeeray kursiga keydka si uu u xoojiyo weerarada kooxda Tottenham, laakiin Chelsea ayaa sii waday baacsiga iyo kubad haysashada, iyagoo isku soo aruuriyay kooxdii Tottenham una diidey fursad ay ku soo baxaan oo weerar soo qaadaanka.
Waxaa cayaarta hurdo u direy ka dib markii  Cucurella ayaa waxaa qalad ku galay Dejan Kulusevski meel 30 yard u jirta, Palmer kubad laad xor ah birta ku garaacey taasi oo uu Jackson ka faaideystay  markii ugu horeysay goobta soo galay isagoo goolkii labaad ee Chelsea u dhaliyey cayaartana sidaas ku soo dhamaatey.
 
Wargeyska sports footbool.net Sports News - Latest Sports News & Today's Headlines | LiveScore
 

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *