Naadiyada ka cayaara La Liga iyo xulka qaranka Spain ayaa khatar ugu jira in laga mamnuuco tartanka FIFA iyo UEFA kadib markii ay dowladda u dhaqaaqday inay kormeerto maamulida xiriirka kubada cagta ee dalkaasi. Xariirka kubada cagta spain ayaa fadeexad lugaha laga galey tan iyo xagaagii la soo dhaafay markii Luis Rubiales, oo markaas ahaa madaxweynihii ururka, uu xoog kaga dhunkaday Jenni Hermoso bushimaha iyada oo aan ogolaansho ka haysan kadib finalkii Haweenka ee Koobka Adduunka. Waxaa markii dambe muddo saddex sano ah ay FIFA ka joojisay dhammaan hawlihii kubadda cagta uu ka haayeye, isagoo markii dambe si iskiisi ahna uga tanaasulay xilkii uu haaye, isagoo sii waday in uu ku doodo in uu san sameyn wax dembi  ka dhanka arintaas lagu soo eedeeyey. Dacwad oogayaasha ayaa u raadinaya xukun laba sano iyo bar oo xarig ah oo loogu rido Rubiales, oo sidoo kale lagu eedeeyay inay isku dayeen inay Hermoso qasbaan wixii ka dambeeyay, iyadoo macalinkii hore ee kooxda haweenka Jorge Vilda, agaasimaha xulka qaranka wiilasha Albert Luque iyo agaasimaha suuq geynta RFEF Ruben Rivera ay qaar kale looga shakisan yahay inay galeen kiiska qasabka, taasi oo ay beeniyeen. Laakin fadeexadaha ayaa  imaatey iyadoo la baadhayo musuqmaasuq lagu eedeeyay in ay ku dhaceen.

Xiriirka sportska spain intuu uu maamulayey  Rubiales waxaan la shaaciyey bishii Maarso in la soo qab qabtey  mas’uuliyiinta iyo dad badan oo arintiaan lug ku lahaa  iyadoo laga eedeeyay  musuqmaasuq, in ay wax u maamuleen si aan haboonayn iyo lacag dhaqid. Rubiales ayaa Maxkamadda looga yeeray Isniintii si uu markhaati ahaan ugu noqdo baaritaanka. Waxaa markii hore la xiray bishii la soo dhaafay kaddib markii uu ka soo laabtay dalka Dominican balse waa la sii daayay ka dib markii la damiintey.   Pedro Rocha, oo ahaa madaxweyne ku meel gaar ah tan iyo markii Rubiales xilka laga qaaday, ayaa loogu dhawaaqay in uu noqdo madaxwaynaha cusub ee RFEF Jimcihii la soo dhaafay. Caqabad dhinaca eedaymihii dadka loo xir xirey ee  dhacday bishii Maarso ayaa baajiyey in Rocha loo dhiibo waajibaadkiisa, sababo kala duwan awgood oo ay ka mid tahay in aan la raacin shuruudihii la raaci lahaa doorashooyinka, in la helo mushaarka madaxweynaha iyo in la soo afjaro caqabadda sharci ee ka jirta heshiiska u dhexeeya La Liga iyo xiriirada kale ee kubada cagta ee spain. Haddaba, mid ka mid ah falalkii ugu horreeyay ee madaxwaynaha cusub ayaa ahayd in uu aqbalo Guddiga Kormeerka, oo ay dhistey wasaarada Waxbarashada, Tababbarka Xirfadaha iyo Isboortiga, oo uu madax u yahay Halyeeyga Kubada Cagta Spain Vicente Del Bosque. Pilar Alegria, afhayeenka wasaaradda, ayaa sharaxay Talaadadii in doorka guddigu uu yahay: “Marka koowaad, inay matalaan kubadda cagta Spain; labaad, si loo xaqiijiyo daahfurnaanta iyo waxqabadka wanaagsan ee geeddi-socodka doorashada ee soo socota ee ay tahay in Federation-ku kulmi doono wixii ka dambeeya ciyaaraha Olompikada  iyo tan sadexaadna ay tahay in si guul ah loo wajaho caqabadaha kubadda cagta ee Spain ay horey ugu hayso:,Horyaalka Yurub, ciyaaraha Olobikada iyo Koobka Adduunka 2030.” Xiriirkaan kubada cagta ee spain ayaa laga rabaa  inay si madax bannaani u shaqeeyaan Balse halka ay dhibaato ka dhalan karto waa qawaaniinta adag ee FIFA ay ku qotomiso dhammaan ururada xubnaha ka ah oo u hoggaansamaya “mabaadii’da maamul wanaagga” iyo in ay si buuxda uga madaxbannaanaadaan saameyn siyaasadeed ama faragelin. FIFA iyo UEFA ayaa horey ula xiriiray Jose Manuel Rodriguez Uribes oo ah madaxweynaha Spain ee Golaha Sare ee Ciyaaraha si uu walaac uga muujiyo faafina ka bixiyo arimaha lagu soo eedeyey. Jimcada 3da Maay ayaa ah jagada kama dambaysta ah ee la siiyay in ay soo gudbiyaan macluumaadka laga doonayo gudigaan cusub ee spain. Haddii aysan ku qancin, FIFA waxay si la filan  karaa in ay  joojiso xubin nimada Spain ee ururkaan. Taasi waxay si toos ah dalka uga saari doontaa euro 2024 iyo ciyaaraha Olompicda xagaagan, waxaa sii dheer in ay joojineyso in kooxaha Real Madrid, Barcelona iyo kooxaha kala duwan ee La Liga ay soo  galaan tartanka Champions League iyo kuwa UEFA ee naadiyada kale. Martigelinta ciyaaraha koobka adduunka ee 2030-ka, kaas oo lagu wado in ay la wadaagaan Portugal, Morocco, Argentina, Paraguay iyo Uruguay, ayaa iyagana halis gelin doona. Ruushka oo kaliya ayaa hadda hakad galisay FIFA, iyadoo la xiriirta duulaankii dalka uu dalka ka fuliyay 2022-kii uu ukraine ku qaaday.

Wargeyska sports footbool.net Football News, Transfer News, League Tables

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *