Naadiyada Premier League ayaa u codeeyay sharci cusub oo xadeynaya lacagta ay kooxd waliba isticmaali karto iyadoo ay ku bixin doonto mushaharka, kala iibsiga iyo lacagaha wakiillada cayaartoyda la siiyo.inkastoo ay Man Utd, Man City & Aston Villa ayaa u codeeyay inay ka soo horjeedaan tallaabooyinkaan. 16 naadi ayaa u codeeyay in la dhaqan geliyo sharcigaan oo xadeynaya qarashaadka ay bixiyaan kooxaha, laakin kooxaha sida Manchester City, Manchester United iyo Aston Villa ayaa codkooda ku diidey oo ka soo horjeestay in la meel mariyo sharcigaan, halka kooxda Chelsea ay ka aamustay. Faahfaahinta gaarka ah ee sharcigaan weli lama soo bandhigin waxaase laga sii doodi doonaa ilaa dhammaystir kiisa ilaa bisha June. Muhiimad ahaan, waxaa la fahamsan yahay in sharcigaan aanu saameyn ku yeelan doonin kooxaha heerarkooda kharashka oo hadda jira kooxuhuna aan looga baahnayn inay dhimaan mushaharkooda hadda. Xilli ciyaareedkii hore, City waxa ay ku faantay miisaniyadda mushaharka ugu sareeya ee horyaalka oo ah £423m, halka lacagaha ay siiyeen wakiilladooda oo dhan £51.5m ay sidoo kale ahayd tan ugu sarreysa.halka kooxda Southampton ayaa heshay lacagta ugu yar ee ka soo gashey lacagta taleefishinada xilli ciyaareedkii hore, iyadoo heshay lacag dhan £104m. Sida arintaan la isu waafijin doono oo sharci looga soo saari doono kharashka kooxaha waxa lagaga hadli doonaa kulanka June. Sida laga soo xigtay, milkiilayaasha United ee INEOS iyo Sir Jim Ratcliffe ayaa ka soo horjeestay qorshayaasha sababtoo ah waxay rumaysnaayeen inay kooxaha Ingiriiska u gacan galin doonaan khasaare marka loo eego kooxaha kale ee ugu sarreeya Yurub. Si kastaba ha ahaatee, qoyska Glazer, oo wali saami ku leh United, ayaa la rumeysan yahay inay door bidayaan sharcigaan xadeynta qarashaadka.laakin sida ay qabaan city iyo United hadii la yareeyo qarashaadka cayaartooyda la siiyo waxey hoos u dhigi doontaa in ay cayaartooy waa weyn imaadaan horyaalkaan oo hada lagu soo jiito lacag fara badan ha ahaato mida ay qaataan cayaartooyda ama mida ay qaataan wakiiladooda, taasi ayaa waxey faaido u keeni doontaa kooxaha kale ee Europ kuwaas oo ka faaideysan doono cayaartooyda ka soo carari doono lacag yaraantaan halka aysan kuwa kalena tagi doono hadii ay mushaarkooda mid ka yar loo sheego. waxeyna noqon doonaan kuwa ugu liidata marka ay ka hortagaan kooxaha waa weyn ee championka la cayaari doonaan.sharcigaan qatartiisa ayuu leeyahay waa u faaido kooxaha soo koraya ama yar yar laakin wuxu waa weyn ee champion soo aado waa ku dhibaato oo xidigo tayo ma soo iibsan doonaan oo waxaa qaban doono sharcigaan hadii uu ansax noqdo.
wixii faaf faahin aha kala socdo halkaan maalin walba iyo saacad walba.