Kooxda Thomas Tuchel ayaa guul ka gaartay kooxda Arsenal wareega 8-da,
Diyaargarowga weyn oo ka muuqda kooxda Bayern waxaa oo marti loo yahey iyo xidigoodi
Harry Kane oo raadinaya inuu sii wado qaab ciyaareedka gooldhalinta.Ka dib markii ay Arsenal ku garaacday laba lugood wareega 8da ee Champions League, Bayern Munich ayaa hadda dareenkeedu u weecday Real Madrid.
Kooxda Thomas Tuchel ayaa halis ugu jirta in ay xilli ciyaareedka oo dhan ku guulaysato koob la’aan iyada oo laga qaadey horyaalka Bundesliga oo ay ka qaadey kooxda aan wali laga badin Bayer Leverkusen. Sidoo kale wax guul ah kuma jiri doonto DFB ama German cup kaasi oo ay ka reebtey kooxda heerka seddexaad ka cayaarta ee FC Saarbrucken bishii November ee la soo dhaafay - taasoo la micno ah inay sharaf u tahay in ay qaadan Champions League ama qumeynimadii Harry Kane sanadkiisii ​​​​ugu horeeyay ee Munich haleeshay ee koob la aanta aheyd.
Kooxda Bayer munich ayaa heysata koobab badan ee Yurub ah, laakiin waxay ka hortimid kooxda ugu badan taariikhda Champions League-Madrid taasi oo soo reebtey kooxdii qaadey champions league iyo horyaalka premier league sanadkii hore ee Manchester City. Qaab macquulka ah ay ku soo gali doonto kooxda Bayern munich waa sida tan.
Bayern Munich shaxdooda waa (4-2-3-1),
Goolhaye:Manuel Neuer:goolhayaha ayaa qaatay rikoorka shabaqa ilaalinta ugu badan taariikhda champions League kadib markii uu meel saarey kooxda Arsenal.
Daafacyada:Joshua Kimmich – Waxa uu dib ugu soo laabtay ka ciyaarista garabka midig si uu u caawiyo kooxda Bayern, waxaana uu kooxdiisa u horseeday semi-finalka isagoo gool madax xoogan ka dhaliyay Arsenal.
Kim Min-jae - dhaawaca soo gaarey Matthijs de Ligt laga saaray kulankii Eintracht Frankfurt oo laga yaabo inuu seego kulankaan, marxaladda ayaa loo badin karaa Kim - oo ku dhibtoonaya Jarmalka tan iyo intii uu yimid ayaa laga yaabaa in uu bixiyo booskaas oo ay kooxdiisu u baahan tahey.
Eric Dier - Ma jiraa qof runtii u maleynayay in Dier uu ku soo bilaaban doono Bayern semi-finalka Champions League? Xaqiiqda Dier waxay u badan tahay inuu ka jawaabi lahaa maya su'aashaas ayaa wada leh.
Alphonso Davies Waxa uu dib ugu soo laabtay kulankaa ka dib markii uu ganaax ku seegay kulankii lugtii labaad ee ay ka badiyeen Arsenal.
KHadka dhexe: Leon Goretzka – Dagaalka khadka dhexe waa in uu noqdaa mid xiiso leh sida caadiga ah Goretzka ayaa k hor imaanaya Camavinga, Kroos iyo Bellingham.
Aleksandar Pavlovic - dhaawaca Konrad Laimer ee canqowga ah, oo lagu soo saare isla ciyaartii uu De Ligt ku dhaawacmey, ayaa u suurtagelin karta da 'yarta inuu ku bilaabo khadka dhexe ee kulankaan.
Weerarka dhexe:Thomas Muller Iyadoo Leroy Sane, Serge Gnabry iyo Kingsley Coman ay dhamaantood la halgamayaan xanuunada, Bayern waxay u baahan doontaa dhammaan khibrada Muller si ay uga caawiso dejinta ciyaarta.
Jamal Musiala -Bayern waxay siin doontaa Musiala waqti dheeraad ah si uu uga soo kabsado dhaawac isaga u gaar ah, laakiin waxaa laga yaabaa inay uu ku soo laabto kulankaanka hadii uu awoodo.
Raphael Guerriero – Wuxuu aamusay Bukayo Saka kulankii lugtii labaad ee ay Bayern ka badisay Arsenal waxana uu u baahan doonaa in uu kulankaan ku soo bandhigo qaab ciyaareed cajiib ah.
Weerarka Afka hore: Harry Kane – Waxa uu noqday ciyaartoygii saddexaad ee taariikhda Bundesliga ka dhaliya 35 gool hal xilli ciyaareed todobaadkii hore. Qaab ciyaareedka fiican ee Kane ayaa sidoo kale lagu arkay isaga oo todobo jeer saftey 10 kulan oo Champions League ah.



By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *