waxaan ku soo qaadan doonaa warar kale duwan oo suuqa kala iibsiga cayaarayah wargeysyada maanta waxa ay ka qoreen waxaan ugu horeeya.

Mohamed Salah ayaa loo badinayaa inuu ka tago Anfield xagaaga, iyadoo Liverpool ay rajeyneyso inay dalabyo gaaraya 150 milyan ginni ay kaga helaan xidigaan  kooxaha ka dhisan Saudi Pro League si ay u qaataan.
Lutsharel Geertruida oo ka tirsan Feyenoord ayaa laga yaabaa inuu u dhaqaaqo kooxda Liverpool isaga iyo tababaraha cusub ee Arne Slot ka dib markii lagu arkay tarabuunka kulankii Reds ay barbaraha 2-2 la gashay West Ham.
Tottenham Hotspur ayaa diyaar u ah inay bixiso 40 milyan oo euro oo ay ku doonayso daafaca Torino Alessandro Buongiorno ka dib olole cajiib ah oo uu ka sameeyay Seri A Robert Lewandowski ayaa doonaya inuu sii joogo Barcelona xagaagan, wuxuuna diidi doonaa xiisaha kooxo ka dhisan Saudi Arabia.
Crystal Palace ayaa laga yaabaa inay lumiso xiddigeeda Marc Guehi xagaagan, iyadoo Arsenal iyo Manchester United ay xiiseynayaan daafacan.
Bayern Munich ayaa isku diyaarinaysa in ay dib u soo celiso baacsigii ay ugu jirtay saxiixa daafaca kooxda Manchester City ee Kyle Walker xagaagan kadib markii ay ku fashilantay in ay hesho saxiixa xiddiga reer England bishii January.
Manchester United ayaa bilowday inay baarto qaabkii ay dib ugu soo celin lahayd Jadon Sancho kooxda waxaana laga yaabaa inay macsalaameeyaan tababare Erik ten Hag si uu sidaas u sameeyo. Si kastaba ha ahaatee, Borussia Dortmund ayaa sidoo kale la dhacsan Sancho waxaana laga yaabaa inay isku dayaan inay amaahda ugu beddelaan heshiis joogto ah.
Arsenal ayaa soo bandhigtay xiisaha ay u qabto da’yarka khadka dhexe ee Barcelona Brian Farinas, iyadoo Dortmund ay sidoo kale dooneyso
Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Atalanta Teun Koopmeiners ayaa laga yaabaa inuu u dhaqaaqo Anfield, iyadoo Liverpool ay diyaar u tahay inay ku la soo wareegto 51 milyan ginni xidigaan u dhashey dalka Holand.
Brighton's Carlos Baleba ayaa laga yaabaa inuu u dhaqaaqo xagaaga kooxahaan, iyadoo ay xiiseynayaan Arsenal, Liverpool iyo Manchester United.
Manchester United ayaa laga yaabaa inay isku daydo inay Old Trafford ku soo dhaweyso daafaca midig ee Inter Denzel Dumfries, laakiin waa inay kula tartanto Chelsea si ay sidaas u sameyso.
Barcelona iyo Real Madrid ayaa ku jirta tartanka loogu jiro saxiixa 16 jirka River Plate Franco Mastantuono sababtoo ah madaxda kooxda ayaa diirada saaraya sidii ay lacag u ururin lahaayeen mana samayn karaan heshiisyo qarash badan sida ay hadda tahay.



wixii warar kala socda webkeena iyo kala ah.


https://www.footbool.net/ https://www.90min.com/


By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *