Chelsea ayaa habeenkii Talaadada u safti doonto hogaamiyaasha Premier League ee ah kooxda Arsenal balse waxaa la sheegayaa in  Cole Palmer oo ahaa xidigii ay ku socdeen kulamadii la soo dhaafey ayaa ka dhaawacmey kulankii FA Cupka ka dib markii Blues ay kaga adkaatey semi-finalka FA Cup-ka Sabtidii la soo dhaafey.Malo Gusto oo shaki dhaawac cusub ka soo gaaray isla kulankaas ay ku cayaareen Wembley Si kastaba ha ahaatee, kooxda chelsea waxay fursad u heystaan in ay qasaan oo ka horyimaadan hamiga mid ka mid ah kooxaha ay aad u xafiil tamaan ee isku magaalada yihiin in ay ay ku guuleystaan horyaalka premier league.  Tababarihii  hore ee Spurs Pochettino ayaa si gaar ah u doonaya inuu helo natiijada kulanka habeenkii Talaadada ee ay la ciyaari doonaan kooxda Arsenal oo dib ugu soo laabatay hogaanka ka dib markey ka badisey kooxda Wolves dhamaadka todobaadka. GK: Djordje Petrovic – Maqnaanshaha Robert Sanchez ee dhaawacan ayaa fursad siiney in uu goolka ku oo bilowdo Petrovic.     RB: Axel Disasi – Malo Gusto ayaa la qiimeyn doonaa ka hor ciyaarta Talaadada ka dib markii uu ku caytamay Wembley. Hadii laacibka reer France uusan taam noqon, Disasi waxay u badantahay inuu ku soo galo daafaca midig sida uu marar hore xili ciyaareedkan ku soo galay.                  CB: Trevoh Chalobah – Pochettino ayaa hada helay xasiloni dhinaca khadka dambe ee daafaca Chelsea isagoo wada cayaarsiinaya  Silva iyo Chalobah. CB: Thiago Silva – Laacibkan  ayaa niyad jabay guuldaradii kooxdiisa ka soo gaartay wembley semi-finalkii, iyadoo laacibka reer Brazil uu ogaa in ay soo afjarayso rajadii uu ka qabay in uu xili ciyaareedkan naadiga Galbeedka London ku soo afjaray koob la aan. LB: Marc Cucurella – Levi Colwill ayaa weli la tacaalaysa dhaawaca suulka, halka Ben Chilwell uu ku soo laabtay dhaawac. Cucurella waxay u badan tahay inuu helo fursad uu ku dheelo. CM: Moises Caicedo –Laacibka reer Ecuador ayaa xidiga kooxda Seagulls ee waqooyiga London ka ciyaaray xili ciyaareedkii la soo dhaafay ayaa ahaa dooqa kowaad ee macalinka Chelsea. CM: Enzo Fernandez – Argentine ayaa ka soo kabsaday dhaawac ku dhacay macallin fudud. Isaga iyo Caicedo ayaa la dagaalami doono khadka dhexe ee cayaarta laacibka  100m ku fadhiya ee Declan Riceka kooxda Arsenal.                  RM: Noni Madueke – Dhaawacii Cole Palmer iyo ka maqnaantiisa tababarkii maanta Isniintii aheyd ayaa suurto gal ka dhigeysa in  Madueke uu ku bilaabi karo bedelkiisa midig. AM: Conor Gallagher – Filo Pochettino ayaa qorsheynaya Gallagher oo kw hor yimaado kubad sameeyayaasha kooxda Gunners. Kabtanka ayaa laga doonaya inuu horjoogsado rajada horyaalka ee kooxda Arsenal. LM: Raheem Sterling – Sterling wuxuu ahaa mid ku filan oo keliya in uu kaliya ka hortago kooxdiisa hore markii ugu dambeysay ee uu soo bilowdey kulankii sabtii hore wuxuuna hada u baneyn doonaa Mykh. ST: Nicolas Jackson – Laacibka kooxda Chelsea ayaa aad loogu dhaleeceeyey in uu lumiyay fursado goolal badan lagu dhalin karey kulankii wembley,xidigaan weerarka ee  Jackson weli ma buuxin booskii ay kooxdan baahida badan u qabtey ee dhanka gool dhalinta ah in kastoo ay hada asaga kaliya ay haystaan wax booskaas ah.

Football News, Transfer News Wargeyska sports footbool.net

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *