Bellingham ayaa gool muhiim ah u dhaliyey kooxdiisa Real madrid taasi oo la cayaareysay kooxda ay xifaal tamaan ee Barcelona kulan ka tirsan kulamda horyaalka La liga cayaartaas oo ka dhacdey garoonka kooxda Real Madrid, Kooxda ka dhisan caasimada spain ee Madrid ayaa 3-2 ku badisay iyagoo hogaanka horyaaal la ligahah ku qabtey 11 dhibcood oo nadiif ah guusha ayaa timid ka todobaad xusuus ah Los Blancos oo isbuuci hore guul taariikhi ah ka soo gaartey kooxda Mancity iyagoo ka reebay koobkii Champions league. Xiddiga reer England ayaa goolkiisii saddexaad ee xilli ciyaareedkan ka dhaliyay kooxda Barca waqtiga dhimashada ee ciyaarta, isagoo sadex dhibcood oo kaliya aan qaadan balse laga yaabo inay ku guuleystaan horyaalka La Liga, guushani waxay kooxda Madrid u sii dheerayneysaa 11 dhibcood hogaanka oo kooxda xulafada yihiin ee Barca iyadoo lagu jiro toddobaadyadii ugu dambeysey ee xilli ciyaareedka 2023/24. Kooxda Xavi oo xaalka ku sii xumaadey iyagoo isbuuci hore laga soo reebay Champions league oo ay kooxda Psg kaga soo adkaatey gurigooda ayaa hadan maanta loogu sii darey guul daro kale oo xanuun ah taasi oo ka dhigan in sanadkaan Elclasiko labadiisa kulanba la garaacey oo ay real madrid ka qaadatey 6 dhibcood. Kooxda Barcelona oo sanadkaan aan haynin wax koob ah ayaa hadana lumisey Elclasiko waxey xaalka ku sii xumeyn doonta tababarha kooxda Xavi Hernandes kaasi oo sii sheegayba in uu ka tagi doono kooxda xili cayaareedkaan marka uu dhamaado inkastoo aan maamulka iyo kooxda intaba aan ka hadlin arinka tagitaanka macalinka oo loo maleynaayo in ay ku qanacsan yihiin oo ay rabaan in ay ka dhaadhiciyaan in uu la soo joogo.

Dhanka kale kulankii maanta la cayaarey ee horyaalka premier league Kooxda Liverpool ayaa badisey iyagoo dhibcaha la mid noqdey kooxda Arsenal oo ay hogaanka isla haayaan ka dib markii ay 3-1 kaga adkaadeen kooxda Fulham ciyaartii ka dhacdey Craven Cottage. Kooxda Jurgen Klopp ayaa dib uga soo laabtay khamiistii kulan ay la cayaareen kooxda Atalanta ciyaaraha Europa League iyagoo soo guuleystey kulankaas ayaa hadana waxa ay ka hareen koobkaas, kooxda liverpool oo isbuuci hore iska qasaarisey fursad ay hogaanka ku heyn laheyd ka guuldaradii ka soo gaartay crystal Palace kulan ka tirsan Premier League. Liverpool ayaa hada ku jirta kaalinta labaad, oo hal dhibic kana korreysa Manchester City oo kulan baaqi u yahey balse Arsenal ayaa hogaanka ku haysa farqiga gool dhalinta. Kulankii maanta kooxda liverbool ayaa gool ku hor martey iyadoo oo cayaarta socoto 32 daqiiqo balse waxaa Fulham ay bareejaysay daqiiqadii 47 ee qeybtii hore ee cayaarta. ka dib markii la isku soo laabtey ayaa waxaa ay liverpool heshay goolkii labaad daqiiqadii 53 ka dibna goolkii sadexaad waxey heleen daqiiqadii 72 labaad taasi oo ku soo dhamaatey 3-1 oo kaga adkaaden kooxda Fulham oo ku jirta kaalinta 12 ee horyaalka ayagoo sanadkaan qaab cayaareed fiican ku jiro oo ay kooxo waayeen garaacen ayaa hada ay maanta liverpool gurigooda dhicaha kaga soo qaadatey. kooxda liverpool oo maalinta arbacada la cayaari doonta kooxda ay isku magaalada yihiin ee Everton kulan kale oo xiiso leh oo ka tirsan preimeir league.

Wargeyska sports footbool.net LiveScore | Live Football Scores,

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *