Kooxda Real Madrid ayaa caawa fiidkii wajaheysa naadiga Barcelona kulanka El Clasico
Kooxda macalinka reer taliyaani ee Carlo Ancelotti oo isku dayaya in ay ku sii dhowaadaan qaadista horyaalka hadii ay guul ka gaaraan kooxda ay xifaaltamaan ee Barcelona ayada oo ku jirta kaalinta labaad.
Labada dhinac waxay haystaan xidigo aad tayo sare u leh oo sameyn kara farqi. Real Madrid ayaa si aad isugu dayi doonto in kulankaan guul ka gaaraan si ay ugu fududaato qaadida horyaalka La Liga,laakiin waxa ay ku khasban yihiin inay dardaraan kooxda ay xifaaltanka badan ka dhaxeeyo ee Barcelona. Kooxda Real madrid oo haatan ku hogaaminaya 8 dhibcood horyaalka laakiin hadii guuldaro ku soo gaartay Santiago Bernabeu oo ah garoonkooda kulankaan waxa soo gaabanaya farqiga u dhaxeeyn doono labada kooxood wuxuu noqon doonaa 5 dhibcood iyadoo lix kulan ka harsan tahay dhamaad horyaalka la liga. Tartanka horyaalka ayaa laga yaaba in uu yahay mid ka baxey gacmaha Barcelona balse waxey doonayaan inay xoogaa cadaadis saaraan dhinaca kooxda Madrid. Heer shaqsi ahaaneed, waxay noqon doontaa EL Clasico kii u dambeeyey ee Xavi isagoo ah tabaraha Barca sida uu u sheegay media in uu bixi doono waqtiga hada la joogo. Waa kuwan meelaha uu dagaalka ba an ka dhici doono oo go’aan ka gaari kara El Clasicada natiijadiisa. Vinicius Junior vs Ronaldo Araujo Madrid iyo Barcelona ayaa bartamaha isbuucaan dhamaadey ku jirey mashquul dhanka cayaarida champions league, Madrid ayaa u soo gudbey semi-finalka Champions League, halka kooxda Barcelona ay ka hartay tartanka ka dib markii ay garaacdey kooxda Paris iyo Saint Germain, waxaana uu ahaa Ronald Araujo oo inta badan eedda dusha ka saaran tahay guuldarada barca. Sidaa darteed, rajada laga qabo in uu wajaho laacibka Vinicius ee ku jira qaabka ugu sareeya ma noqon doonto mid aad u sahlan daafacaan reer Barca. hadaba isagoo ka hor imaanaya Vinicius Junior wuxuu u baahan yahey in ay su soo noqoto kalsoonidiisa taasi oo wax weyn ka bedeli doonto. Ferland Mendy vs Lamine Yamal Inkastoo uu yahay 16-jir oo kaliya, Lamine Yamal ayaa durba noqday mid muhiim u ah Barcelona. Xidigaan da da yar ayaa haatan ah hal abuure muhiim u ah kooxda Xavi waxaana xawaarihiisa uu ka dhigi doonaa khatar, taasi oo khatar ku ah Mendyga Madrid ee kulanka maalinta axadda. Ninka loo xilsaaray in uu celiyo waa Ferland Mendy, kaasoo lagu qasbay inuu cayaaro 120 daqiiqadood kulankii Man City isbuuci hore. Yamal ayaa ku hamin doona inuu ka faaʼiidaysto daalkaas oo uu dareemo laacibka reer France, lakiin daafaca bidix ee Real Madrid ayaa caadi ahaan ah nin uu ancelotti ku tiirsanaan karo kulankan. Jude Bellingham vs Ilkay Gundogan Jude Bellingham wuxuu ahaa laacibkii go’aamiyey kulankii El Clasico-kii ugu horreeyay ee La Ligaha bishi October. Gool la yaab leh uu u dhaliyey Madrid ayaa guusha u horseeday waxaana la filayaa ninka reer Ingiriiska ah inuu noqdo buundo u dhaxeeya weerarka iyo qadka dhexe, isagoo doonayo inuu ka faa’ideysto la’aanta laacibka khadka dhexe ee daafaca ee Barca. Ilkay Gundogan ayaa raacan doono una xilsaaran inuu noqdo laacibka u qaabilsan Barcelona, isagoo orodka wanaagsan ka sameeyayna khadka hore, waa inuu isha daafaca aad ugu dhaw ku hayo Belli. Toni Kroos vs Pedri Toni Kroos oo ka hor imaanaya xidiga dada yar ee tamarta badan ahna ee ciyaaryahanka barca ee Pedri. Labada ciyaartooy waxay fure u noqon doonaan kubad dhisida ciyaarta labadooda kooxahood, laakin waxaa laga yaabaa inuu noqdo dagaal qof kaliya uu ku guuleysan karo.

Football News, Transfer News, Wargeyska sports footbool.net

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *