Jurgen Klopp iyo kooxdiisa liverpool oo caawana laga ciribtirey koobka Europa League inkastoo ay guul ku soo gaareen Bergamo. Kooxda reer England ee Liverpool ayaa ka hartey koobka Europa League kulankii caawa la cayaarey kadib markii ay awoodi waayeen inay aargoostaan guuldardii ahey 3-0 taasi oo soo gaartey isbuuci hore, Mo Salah ayaa gool ka dhaliyay gool rigoore taasi oo ahaa bilow fiican laakin kuma aysan filnayn oo waxaa looga baahnaa in ay dhaliyaan 2 gool oo kale oo ay cayaarta bareejo ka dhigaan ka dibna ay raadiyaan goolkii guusha. Reds ayaa ogaa in ay la kulmi doonaan iska caabin adag oo sida ay buur ay fuulaan oo kale, laakin waxey sameeyeen dadaal dheeri ah waxeyna ku soo galeen niyad wanaag ah in ay keeni karaan natiijada ay u baahan yihiin oo ay natiijada isbuuci hore ay dhinaca kale u rogi doonaan waxayna ku riyaaqeen markii ay cayaarta socotey todoba daqiiqo uu Mo Salah u dheliyey goolkii koowaad oo rigoore ahaa, laakiin ma aysan awoodin inay cadaadis dheeriga ahaa ay saareen kooxdii Atlanta in ay goolal u bedelaan. Salah ayaa fursad aad qaali u ah qasaariyey ka dib markii uu baas fiican ka helay cayaaryahan Cody Gakpo taasi oo hadii uu dhalin lahaa kor u qaadi laheyd moralka kooxda liverpool. liverpool ayaa u muuqda kuwa guul dareystay meel kasta oo ay tagaan, iyadoo natiijadaas ay sii xumeysay gaar ahaan dhaawac gaar ah oo uu u geysan doono Jurgen Klopp xilli ciyaareedkiisii ugu dambeeyay ee uu hogaaminayay. Waxa ay ka soo hareen koobka FA Cup-ka kooxda ay iska soo hor imaadeen kooxda Manchester United, Waxaa kaloo looga adkaadey hogaanka horyaalka oo ay hada hogaamineyso Kooxda Manchester City tartanka Horyaalka Premier League, imikana waxa ay ka baxeen tartanka Yurub. Liverpool ayaa Axadda cayaari doono kulan kale oo horyaalka Premier League iyagoo u safaray guriga kooxda Fulham. kulankaas ka dib ayaa kooxda Jurgen Klopp ayaa wajihi doono Merseyside derby oo ay la cayaari doonaan Everton oo ay marti ugu noqon doonaan Goodison Park maalinta Arbacada waan kulan kale oo ka tirsan premier leage ah. waxey laga rabaa in ay wada badiyaan kulamada soo socda oo dhan hal kulana oo ka mid ah City loo qabto oo nasiibka saacido midaas kaliya ayaa lagu badbaadin karaa xili cayaareedkii ugu dambeeyey Jurgen klopp taasi ah in uu ku macsalaameeyo kooxdiisa koob inkastoo ay rajadooda aheyd in ay qaadaan sadex koob sanadkaan oo macsalaamo oga dhigaan macalinkooda ka tagay xagaagan soo socda laakin riyadii sadexda meesha waa ka baxdey oo hada waxaaba la isku haystaa hal koob ma qaadi doonaan mise maya. xaalada kooxaad ayaa cabsi badan laga muujinayaa ka dib bixitaanka macalinkooda si ay u saameyn doonto inkastoo wali la helin bedelkiisa ayaa waxaa jira xidigo aan wali qandaraaska cusub saxiixin oo sugaya nooca macalinka bedeli doono Klopp iyagoo shaki ka muujiyey qof imaan doono iyo waxa uu noqon doono xaalkooda musqatbalka-

wixii wararka oo ku saabsan cayaaraha caalamka kala soco kalkaan maalin walba horyaalada ugu waaweyn aduunka iyo kii dalkeena somaliya.

https://www.skysports.com Wargeyska sports footbool.net

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *