Xiriirka Kubadda Cagta Ingiriiska ayaa ku dhawaaqay in FA Cup-ka uu baabi'in doono gabi ahaan ku celiska wareega koowaad la cayaaro- laga bilaabo xilli ciyaareedka soo socda.

Waxaa la rabey in sharcigaan in laga bilaabo xili cayaareedka 2024/25,si loo xaliyo doodaha arintaan ka imaan dhalan doono iyada oo aan dib loo dhigin, waxaa la isla qaatey in cayaaraha ku celiskavlaga bilaabo wareegga saddexaad. Balse waxaa hadda la shaaciyay in la guda geli doono marka la soo gabagabeeyo tartanka haatan socda. In meesha laga saaro kulamada ku celiska ah ayaa ah mid ka mid ah tillaabooyin dhowr ah oo FA-ga iyo Premier League ay ku heshiiyeen in lagu xoojiyo tartanka. Qaabka cusub wuxuu imaan doonaa oo uu ku dhaqan geli doonaa ugu yaraan ilaa 6 xili cayaareed, wuxuuna sidoo kale hubin doonaa in dhammaan ciyaaraha la ciyaaro sabtida iyo axada, iyadoo wareegyada afaraad iyo shanaad, iyo wareega quarter-finalka ay dhammaan dhici doonaan sabtida iyo axada iyadoo aysan jirin cayaaro kale oo Premier League ah.Isbeddellada jadwalka ayaa sidoo kale soo afjaray fasaxii bartamaha xilli ciyaareedka kaas oo laga isticmaali jiray Premier League xilliyadii u dambeeyay, taas beddelkeeda waxaa la soo bandhigay fasax dheer oo xagaaga ah ka dib Koobka Qaramada Yurub ee Jarmalka.
Madaxa fulinta FA Mark Bullingham ayaa yiri: "Koobka Emirates FA Cup waa hantidayada ugu weyn, waxaana soo saara in ka badan 60 boqolkiiba dakhligayaga si aan u galino ciyaarta, sidaas darteed waxaa muhiim ah in la helo qaab adag mustaqbalka.
“Heshiiskan cusub ee u dhexeeya FA-ga iyo Premier League waxa uu xoojinayaa Emirates FA Cup-ka, Jadwalka cusub wuxuu xaqiijinayaa qiimaha koobka wuxuuna kor u qaadayaa dadka daawado cayaarihiisa, iyadoo laga shaqeynayo dhammaan ciyaaraha Ingariiska oo dhan si isku mid ah in loo daawado oo la wada xiiseeyo.Iyada oo qayb ka ah ku dhawaaqista goaankaan ayaa waxaa sidoo kale la xaqiijiyay in Premier League uu kordhin doono dhaqaalaha uu ku bixiyo koobabka kubadda cagta, taasoo caddaynaysa 33 milyan oo ginni oo dheeri ah oo loogu talagalay kubbadda cagta aasaasiga ah, oo lagu sii darey £100m oo horeba loo siiyay sababo kala duwan xilli ciyaareedkasta.

Madaxa fulinta Premier League, Richard Masters, ayaa intaa ku daray: "Premier League wuxuu ku faraxsan yahay maalgashiga uu siinayo heerarka kala duwan ee ciyaaraha, heshiiskan cusub ee FA-ga wuxuu abuuri doonaa inaan kor u qaadno taageerayaasha kubada cagta. waxey kaloo hormarin doontaa Tani tas-hiilaadka bulshooyinka iyo kooxaha horyaalka hoose ee dalka oo dhan, iyada oo loo marayo xiriirada kubada cagta England iyo Sanduuqa Garoomada Premier League. labada dhinacba FAga iyo Premier league waxaa ka go'an sare u qaaditaan cayaaraha iyo jadwalka tartanka Emirates FA Cup, oo ah tartan maxalli ah oo aad muhiim u ah oo leh taariikh.

"Xiriirka FA-ga iyo Premier League waxa ay si wada jir ah uga wada shaqeeyeen sidii ay u soo gudbin lahaayeen todobaadyo gaar ah iyaga oo aan wax u dhimin xamaasadda kubbada cagta ee knockout tanina waxa la gaadhay isla wakhtigaas taas oo noo ogolaanaysa in aanu yareyno cidhiidhiga ciyaaraha guud ahaan."

wixi warar ah oo dheeri ah halkaan kala socda.
https://www.mirror.co.uk https://www.footbool.net/


By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *