Paris Saint-Germain ayaa gaartey mi-finalka Champions League markii ugu horreysay tan iyo sanadkii 2021-ka kadib markii ay dhulka ku jiiteen Barcelona kulankii lugta labaad caawa oo oo ka dhacey garoonka kooxda Barcelona. Ka hor inta aan la bilaabin cayaarta caawa, Barcelona waxay ku hogaamisay 3-2 lugtii hore waxayna garoonka soo gashay iyadoo wadata taageerayaal aad u badan oo gaaraya ilaa 50,000 oo taageerayaal ah gudaha garoonkooda ku meel gaarka ah ee Estadi Olimpic Lluis, waxay ku farax sanaayeen inay goob joog ka noqdaan kulankii ugu horreeyay ee quarter final Champions League oo lagu ciyaaro magaaladooda tan iyo sanadka 2019. Lakiin guushii ay 4-1 ay ku soo badisay PSG ayaa taageerayaashaas niyad jab ku riday, waxaana aamusiyey taagerayaashii tirada badana xidigihii kooxda reer Faransa .Labadani koox waa laba ka mid ah kooxaha ugu magaca ugu waaweyn kubadda cagta adduunka, kuwaas oo ku bixiyo lacago waali ah suuqa kala iibsiga cayaartooyda. Inkastoo ay Barcelona caawa ay u cayaarayeen cayaartooy aad u da yar oo akedemiyadooda ka soo baxey. Seddax ciyaaryahan oo da’dooda ay da’doodu tahay 18-jir ama ka yar ayaa kusoo bilowday wareega quater finalka Champions League markii ugu horeysay taariikhdiisa ee tartanka. Warren Zaïre-Emery oo 18 jir ah, Pau Cubarsí oo 17 sano jir ah, Lamine Yamal oo 16-sano jir ah. Barcelona ayay ku qaadatay 12 daqiiqo oo kaliya in ay hogaanka ay sii dheereysato 1 gool kale lagu daro 3-2 horye ugu soo badisey guriga PSG. Raphinha ayaa gool u dhaliyay kooxdiisa kadib markii Lamine Yamal uu si lama filaan ah u dhaafay Nuno Mendes ka dibna banaanka u soo dhigey Rahinha oo gool u bedelay. Lakiin xaalada ayaa is bedeshay ka dib markii Ronald Araujo loo taagey kaarka guduudan isagoo qalad ku galay cayaaryanka PSG Bradley Barcola oo kaliya 29 daqiiqo gudahood. Baaritaan lagu sameeyay VAR ayaa xaqiijisay in ay tahay laad xor ah oo aanan ahayn rigoore, inkastoo aysan jirin wax kale oo laga qaban karey kaarka roosaha ee daafaca dhexe ee Uruguay kaasi oo ugu kacey Barcelona qiimo qaali ah. ka saarida garoonka laga saarey daafacan Araujo ayey kooxdiisa Barca u baahan inay soo geliso difaac kale taasi oo keentay in garoonka laga saaro Yamal oo lagu bedelay daafac kale taasi ii dishey cayaarta Barcelon waayo Yamal wuxuu qatar ku ahaa gool PSG laakin markii la saarey neef weyn ka soo godey kooxda reer faransa. PSG oo ka faaideysatey halka cayaartoy ee ka maqan Barcelon oo ku cayaareysay 10 nin ayaa markiiba waxey heleen goolkii bar baraha oo uu dhaliyey Osamane Dembele. ka hor inta aan la aadin haafka dambe ee cayaarta. PSG ayaa sidoo kale heshay goolkii xigy, Vitinha ayaa sidoo kale kooxda Faransiiska u dhaliyey goolka kale waxayna barbar dhigtay 4-4 iyadoo wax ka badan 35 daqiiqo ay ka harsaneed cayaarta. Dhawr daqiiqo kaddib ayay PSG heshay rigoore lagu galey Demebele waxaan gool ka dhigey Mbape. Kylian Mbappe labadiisa goolk ayaa ka dhigey cayaarta 4-1 , kulanka caawa sidoo kalana 6-4 guuda ahaan labada kulan goolalkooda.

wixi warar ah kala socdo halkaan

Wargeyska sports footbool.net Football News, Transfer News, League Tables

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *