Macalinka kooxda Arsenal Mikel Arteta ayaa qirtay in kabtanka kooxda Martin Odegaard uu dhaawac ahaan looga saarey kooxda kulankii ay Aston Villa 2-0 kaga adkaatey ee ka dhacey garoonka kooxda Arsenal axadii la soo dhaafey. Xidiga qadka dhexe ayaa garoonka laga saaray waxaana lagu badalay Emile Smith Rowe daqiiqadii 79-aad, iyadoo ay cayaarta aheyd 0-0. Waxey aheyd markii ugu horeysay tan iyo bishii October 2023-kii ee uu Arteta bedelo kabtankiisa xili ayna kooxdu wax guul ah ka soo gaarin. Arteta ayaa wax laga waydiiyay sababta ay u dhacdey in ciyaarta laga saaro laacibka qadka dhexe, wuxuuna saxaafada usoo gudbiyay walwal uu ka muujinayo dhaawaciisa maanta. “Wuxuu dareemayay wax,” ayuu Yiri Arteta oo ka hadlayay Odegaard. “Wuu sii wadi waayay.” Macalinka Kooxda Gunners ayaa diiday in uu faahfaahin dheeraad ah ka bixiyo arrinta isagoo aan kala cadeynin in laacibkaan uu diyaar u noqon doono kulanka aadka loo sugayo ee ay Arsenal booqan doonto garoonka ALLainza Arena ee Bayern munich kala hortagi doonto kulanka Champions League arbacada horteeni ah.

Kooxda Arteta ayaa lagu wadaa inay qoorta isla galaan kooxda reer Germany lugta labaad iyadoo wax walba ay u cayaari doonan s si ay u badiyaan ka dib markii ay 2-2 ku galeen garoonka kooxda Arsenal ee Emirates. Macalinka reer Spain ayaa lugtii hore kadib xaqiijiyay in kooxdiisa ay ka goʼantahay inay qaab ciyaareed fiican soo bandhigaan kulankaan ay la kulmi doonaan kooxda ka dheesha Bundusligaha ee Bayern, ka dib markii arimo difaac xumo ay u ogolaatay kooxda Thomas Tuchel in ay laba gool ku hubsadaan shabaqa kooxda reer london ee Arsenal. Odegaard iyo kooxda inteeda kale ayaa laga yaabaa in xataa ay ka go’an tahay in ay guul gaaraan arbacada kadib markii guul daro wareer ah ay kala kulmeen kooxda Aston villa taasi oo sababtey in kooxda Manchester City ay hogaanka u hayso horyaalka. The Gunners ayaa laba dhibcood ka dambeeya City waxayna isku dhibco yihiin kooxda Liverpool oo iyaduna guuldaro lama filaan ah kala kulantay gacmaha kooxda Crystal Palace isla maalintii axada aheyd. Inkastoo aan la ogeyn dhaawaca Odegaard inta uu la eg yahey ayaa hada waxaa loo jeeday in uu bedel ku baxey oo uu dhameysan cayaarta taasi oo muujineyso shakiga uu maanta macalinka saxaafada la wadaagey. waa arint kale oo dhabar jab ku ah Arsenal in uu ka dhaawacmo kubada sameeyahooda uga muhiimsan xili cayaareedka kulan ay aad ugu baahan yihiin in ay badiyaan oo ka dhaqeyso guul daradiisa soo gaartey maalintii axada aheyd taasi oo ka niyad jebisay in ay sanadkaan horyaalka qaadi doonaan. hadii aya habeen dambe badiyaan waxey la micno tahay iyagoo finalka boos ka sii qabsadey waayo waxa u soo baxaayo Atletico ama Borusia labadaba midii soo baxdao Arsenal shaarbaha ku qaadanayaan waa hadii ay garaan booskaase laakin waxaa ka horeyso in ay ka taqalusaaan kooxda Bayern oo sanadkaan yaaban oo wax koob aan gacanta ku haynin iyadoo shaley ay qaadey kooxdii Leverkusen horyaalki bundusliga ayadoo uusan dhamaan oo ay ka dhiman tahay 5 kulan.

wixii warar ah oo dheerad ah halkaan kala socda.

Football News, Transfer News,Wargeyska sports footbool.net

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *