Kulankaan ayaa galabta ka dhacdey garoonka weyn ee Dr Ayub, kulankaan oo ka tirsan horyaalka South west league cayaarihiisa kooxaha heerka kowaad oo in mudo ah ka socdey magaalada baydhabo oo ah caasimada ku meel gaarka ah ee maamul goboleedka koonfur galbeed Somaliya. Kulankaan oo ahaa mid aad u xiiso badan ayaa galabta dhexmarey labada kooxood ee Baysom iyo BCC kuwaas oo ku dagaalamay horyaalka kooxaha heerka kowaad. kulankaan oo ku bilowdey jawi aad u degan oo labada koowood ay soo bandhigeen kubada aad u qurux badan oo labada kooxoodba ku dhisan weerar iyo weerar helis, labadaan koox ayaa ku jirey taxadar badan oo koox waliba ay ilaashaneysay goolkooda taasi ayaan keentay in aan la iska dhalin goolal badan. waxeyna cayaarta ku soo dhamaatey 1-0 oo ay guusha ku raacdey kooxda u qalantey oo aheyd kooxda Baysom taasi oo ku soo dhamaatey halkaas gool oo ay dhibcaha ku qaadatey kooxda Baysom. Horyaalkaan oo mudo fasax ahaa oo maalintii shaley aheyd dib u furmay ayaa waxaa ka harsan kulom kooban wuxuuna ku dhowyahay gebo gebo kooxaha ay isku wada dhegan yihiin oo way isku way dhowyihin dhibco ahaan. waxaan la arki doonaa kulamada soo socdo oo la cayaari doono isbuuca soo socdo. Horyaalkaan hada dib u furmey ayaa soo jiidanaya taageerayaal intii hore ka badan kuwaaso u soo daawasho tago kulamada noocaan ah oo ay cayaarayaan kooxo waaweyn sida kuwa maanta oo kale. Waxaa kaloo dheeri ku ahaa kulankaan in lagu soo kordhiyey qalab casri ah ay ku wada xariiraan afarta garsoore ee cayaaraha garsoora kuwaas oo kala ah garsooraha cayaarta iyo labadiisa calan wade iyo wali garsooraha kale ee banaanka fadhiya, tani waxey xaqiijineyaa in la isla hubiyo go aanada uu gaarayo garsooraha garoonka ku jiro si loo yareeyo in dhaco qaladaad dhanka garsoorka ah, taasi oo wax weyn ka bedeli doonta in kulamada waayen ay ka dhacaan is qab qabsi iyo doodo aan u fiicneyn kubada cagta inkastoo ay san hore u dhicin hadana waa laga sii baaran degay. waxaan ku mahadsan dhaman inta ka qeyb qaadatey ama fududeysay in la helo waxa kasta oo looga baahna horumarinta kubada cagta somaliyeed gaar ahaan horyaalkaan hada socdo ee koonfur galbeed somalia.

wixii cayaaro ah oo ka dhaco gobolada somaliyeed gaar ahaan konfur galbeed halkaan aad kala socon doontaan maalin iyo habeen ayagoo faah faahsan watana sawiradii iyo warbixinta cayaarta oo koo kooban iyo waliba kannel keena youtubeka dhowaan

https://www.footbool.net/ (6) WhatsApp

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *