Kooxda Manchester United ayaa raadinaysa inay la soo wareegto laacibka ac Milan Ee Rafael Leao kaasoo ay ku qiimeeyaan in ka badan £120 m kooxda Horyaalka Serie A. Kooxda Manchester ayaa dooneysa oo kale in ay la soo wareegto Laba laacib oo daafaca dhexe ah kuwaas soo gaari doona Man Utd xagaagan. Kooxda Red Devils ayaa doonaysa inay qarash badan ku soo qaataan xidigo magac weyn ku leh kubada cagta isla markaana ah daafac da’yar oo leh awood sare.

Paris Saint-Germain kama labalabeyneyso inay dalab u dirto laacibka qadka dhexe ee kooxda Barcelona Frenkie de Jong waa hadii ay si cadaato wararka la xariira mustaqbalkiisa ee ku aadan camp Nou. Arsenal iyo Chelsea oo labaduba la socda weeraryahanka Brentford Ivan Toney ayagoo raba in ay dalabyo hor dhigaan naadigiisa taasi oo laga yaabo inuu ku diyaar ku noqon karo aduun dhan £40 m oo kaliya xagaagan. Kooxda Tottenham Hotspur ayaa doonaysa inay kala saxiixdo daafaca kooxda Bayer Leverkusen Ee Piero Hincapie, iyadoo 22-jirkaan la filayo in ay la soo wareegi doonan laacibka xilli ciyaareedkan dabayaaqada ah. waxaa kale oo Totenham lala xariirinayaa weeraryahanka Feyenoord Santiago Gimenez kaasi oo ahmiyad weyn u leh kooxda Tottenham xagaagan, wadahadalada uu la yeelanayo kooxdaan ayaa hada socdo waxaeyna sii socon doonaan todobaadyo kale. Kooxda Manchester City ayaa isha ku haysa kooxda Bayer Leverkusen daafaca midig ee Jeremie Frimpong, iyaga oo u diyaarinaya booska uu hada ka dheelo 33 jirka Kyle Walker kaaso oo ku jira waqtigiisa geba gebada ah ee kooxda city. waxeyna u arkaan bedelkiisa laacibkaan kooxda Bayer leverkusen, inkastoo aysan wax war ah ka soo saarin haatan kooxdiisa laakin hadey helaan dal u aad u sareeyo laga yaabee in ay ka iibiyaan. Joshua Kimmich ayaa ogolaaday inuu ku biiro Arsenal xagaagan kooxda Arsenal, iyadoo kooxda Gunners la filayo inay ka gudbiyaan dalab ah £50 m si ay ula soo wareegto laacibka khadka dhexe ee xagaaga soo socda kaasi oo ka tagaayo kooxdiisa haatan ee Bayern Munich.

Shakhtar Donetsk ayaa diyaar u ah inay iska iibiso laacibka qadka dhexe ee reer ukraine Georgiy Sudakov oo ay doonayaan kooxda arsenal, aston Villa, Manchester City iyo kooxda Liverpool.

Kooxda Aston Villa ayaa aad ugu kalsoon in laacibka qadka dhexe ee Douglas Luiz ay ku qancin doonan in ka haro doonistiisa kooxda Arsenal isla markaana ay heshiis cusub oo xilli dheer ah saxiixi doonaan kooxda Villa Park. Laacibka garabka uga ciyaara kooxda Leeds United Crysencio Summerville ayaa bartilmaameed u noqday kooxda Bayer Leverkusen kaasoo labada koox ee kala Liverpool iyo Tottenham si aad ah doonayaan saxiixa xidigaan reer Holland. 18-jirka daafaca dhexe ee AC Milan Jan-Carlo Simic kaasi oo ku jira sanadkii ugu dambeeya ee heshiiskiisa waxaana la filayaa in uu dhageysto dalabyada uu helaayo xagaagan oo kaga imaanaayo kooxaha Arsenal, Manchester United iyo Real Madrid.

Football News, Transfer News Wargeyska sports footbool.net

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *