Kooxaha Blancos iyo Cityzens ayaa iska horyimid cayaaraha Champions League xilli ciyaareedkii sadexaad oo xiriir ah, waxaana mar walbo la filan karey cayaar aad u xiiso badan. Lugtii hore ee quarter finalka ay habeenkii Talaadada kusoo idlaatay 3-3 ayaa waxaa ay ku soo idlaatay 3-3, iyadoo ay taasi soo bandhigtey qeyb ka mid ah goolalkii ugu fiicnaa ee aad sanadka oo dhan inta la cayaarey champions leagae hada socda. Waa kuwan lixda weerar ee ay ka dhasheen lixdii gool ee laga dhlaiyey garoonka Santiago Bernabeu, oo kaalinta koowaad ka galey goolkii ugu fiicnaa xili cayaareedkan. 6. Ruben Dia goolkiii uu iska dhaliyey ayaa kaalinta lixaad ku jira. Wuxuu ahaa jawaabtii Eduardo Camavinga oo ka jawaabey goolkii looga naxsadey kooxda Real Madrid , balse waxey qarow iyo maalin aan la ilaawi doonin ku tahay Ruben Dias. Kadib markii Madrid ay gool looga hormarye furitaanka cayaarta laba daqiiqo, ka dib waxaa u suurto gashay inay ay soo gudaaan kadib markii ay kubadii uu Eduardo Camavinga ku dhufatay Ruben Dias taasi oo dhinaca kale ka gashey goolsha oona ka dhigtey in Stefan Ortega gebi ahaanba uu u go dhinaca kale taasi City dib ugu laabatey cayaartii ay hogaanka u hayeen. 5.Rodrygo oo soo taabtay shabaqa city, Daqiiqado kaddib ayay Madrid 2-1 ku hoggaansamisay cayaarta. Vinicius Junior ayaa soo qaatay kubad asaga oo ka danbeeya khadka dhexe ee City, isagoo garabka kaga soo xaroodey Manuel Akanji ka dibna banaanka u dhigey xidiga saaxibkiisa ee weerarka kula jirey ee Rodrygo kaasi oo gool u bedelay kubadii uu ka helay saaxiibkiisa.

Pep Guardiola ayaa la tacaalayay maqnaanshaha Kyle Walker todobaadyadii u dambeeyay ee kulankaan sababtan darteed – Kyle wuxuu lahaa xawaare uu ku joojin karo weerarada noocaan ah ee Madrid ku soo qaado. 4.Bernardo Silva oo daqiiqadii labaad ee cayaata helay laad xor ah kaasi oo uu ku toogtay goolka. laadkan xorta ah ee uu dhaliyey, ayaa goolhayahe Andriy Lunin ka dhigey mid caag oo waxba ka qaban waayey kubadii uu Bernardo Silva sida xooga u soo laadey taasi oo siiso City hogaanka si cajiib ah xilli hore ee cayaarta. Josko Gvardiol ayaa markale hogaanka city u dhiibey isagoo dhaliyey goolkiidi sadexaad ee cayaarta taasi oo ku sii adkeysay kooxdii martida loo ahaa oo gurigooda mar kale hogaanka lala wareegay ka dib markey ay si fudud ku lumiyeen kontoroolka cayaarta. 2. Phil Foden’s showstopper goolkii labaad ee bareejada city ku soo bareejeesay labadii gool ee isku xigey ee real madrid dhaliey daqiiqadii 12 iyo 14 ee cayaarta haafkeedi hore taasi ka dhigtey cayaarta mid furan labada kooxba ay bilaabeen in ay guul raadiyaan waliba real madrid oo gurigooda joogey ayagaana aad ugu baahnaa guul inkastoo ay cityna rabtey in ay ku soo badiso garoonka real madrid si uu ugu fududaado kulanka isbuca soo socda ay marti gelinayaan. 1. Federico Valverde Real madrid oo qiil qiil ku galey gurigooda ayaa waxaa u suuro gashey mar kale in ay bareejo helaan cayaarta dabayaaqadeeda taasi oo ka dhigey in ay cayaarta ku soo dhamaato 3-3 oo hada loo balan sanyahey kulanka xiga ee guriga city la isugu imaan doono.

Football News, Transfer News, Wargeyska sports footbool.net

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *