Arsenal ayaa guul raaxo leh ka gaartay Brighton & Hove Albion 3-0 waxayna ku soo gabagabawday in Arsenal hogaanka Premier League la wareegto ayagoo ku qabtey hal dhibic. Gunners ayaa si fiican hogaanka ugu qabatay ciyaarta markii uu Bukayo Saka u dhaliyay rigoore qeybtii hore ee ciyaarta, Kai Havertz ayaana meesha ka saaray shakigii laga qabay natiijada ciyaarta isagoo kubad karoos ah u dhigay Jorginho.xidigaan Leandro Trossard ayaa hurdo u direy kooxdii Brighton isagoo goolkii sadexaad ee cayaarta si qurux badan u dhaliyey goor dambe ee cayaarta.   Kooxda Mikel Arteta ayaa kooxdiisa ku soo gabogabaysay guul kulankii maalinta iyagoo hal dhibic nadiif ah ka sarayso kooxda Liverpool oo hogaanka horyaalka horey u haysay, iyadoo Merseysiders ay wajihi doonto Manchester United maalinta Axada.Liverpool ayaa laga yaabaa inay soo ceshato kaalinta koowaad haddii ay guul ka gaarto Man Utd Axadda. Laakin hadii laga badiyo waxey ka dhigan tahay in ay hogaanka ay Arsenal sidaas ku sii hayn doonta, laakin hadii ay bareejo galaan waxey noqoneysaa in ay isla qabtaan hogaanka oo ay isku dhibco noqdaan inkastoo ay Arsenal gool dhalin ku hayn doonto hogaanka horyaalka.                                   Hadii ay Arsenal dooneyso in ay guulaysato horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan, waxa ay u baahnan doontaa bandhigyo badan oo la mid ah kii ay soo bandhigtay kulankii maanta ee ay 3/0 uga badisay Brighton & Hove Albion.
kooxda Mikel Arteta ayaa ku soo laabatay hogaanka horyaalka Premier League ka hor kulanka ay Axada la ciyaari doonto Manchester United.                          Hadaba waxa aan halkan ku soo bandhigi doonaa xiddigihii ugu fiicnaa iyo kuwii ugu xumaa ee Arsenal ee guusha ka soo gaadhay maanta.
Kai Havertz Hal gool, hal caawin iyo bandhig heersare ah oo dhan walba ah -waa maalin u wanaagsan Kai Havertz Havertz oo hogaaminaya safka hore ee ciyaarta, wuxuu ayaa ahaa mid caqli badan isla markaana naftiisa u huray cayaarta isaga ka caawiyay in uu ciyaarta soo geliyo garabka bidix ee Gabriel Jesus, laakiin waxa uu si toos ah u qaatay masuuliyada gool dhalinta ee qaybtii danbe ee ciyaarta.
Havertz ayaa goolka labaad u dhaliyay Arsenal ka hor inta uuna baas farsamo badan u dhigin Leandro Trossard oo dhaliyey dhamaadkii cayaarta goolkii saddexaad ee ciyaarta.
Oleksandr Zinchenko waxaa uu ahaa xidigii ugu liitey galabta garoonka. Halista ugu weyn ee Brighton ee galabta ay sameeyeen ayaa aheyd dhanka uu saarna xidigaan, halkaasoo Simon Adingra uu ku riyaaqay in uu wajaho Oleksandr Zinchenko.
Xiddiga reer Ukraine ayaa si fiican loo garaacay qaybtii hore ee ciyaarta laakiin waxa u suurtagashay in uu is dejiyo kadib nasashada ka hor inta aan la badelin 20 daqiiqo oo ay ka harsanayd.

wixii warar ah ee ku saabsan horyaalada qaarada yurub waxaad kala socon kartaan halkaan iyagoo faah faahsan. 

Wargeyska sports footbool.net Football News, Transfer News,

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *