Indha-indheeyayaal Real Madrid ah ayaa kooxda ku booriyay in ay hore ugu sii socdaan saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda Bayer Leverkusen ee Florian Wirtz iyaga oo aaminsan in uu yahay xiddig heersare ah. Wax war ah oo ay soo saareen ma jirto kooxda Leverkusen oo ku aadan in ay iibinayaan xidigaan iyo inkale laakin sida la fahamsan yahey ayaa ah in Alonso oo san ogolaandoonin in uu diro xidigaan sababtoo ah waa xidiga qeybta weyn ka qaatey olalihiisa dib u dhiska kooxdaan oo hada joogto meesha ugu fiican horyaalkana hogaanka u hayso loo badinaayo in sanadkaan ku guuleysan doonaan.

Liverpool iyo Manchester City ayaa aaminsan in Wirtz ay u badan tahay inuu sii joogo Leverkusen xagaagan ka dib markii maamulaha Xabi Alonso uu xaqiijiyay inuu sii joogi doono kooxda xilli ciyaareedka soo socda.Marka laga soo tago Wirtz. Real Madrid waxay sidoo kale isha ku haysa horumarka uu sameynaayo cayaarahan Leeds United ee Archie Gray kaasi qaab cayaareen ku fiican ku jiro kooxdiisana u badan tahey in u soo gudbaan Premeir league sanadkaan ayagoo hada wac daro ka dhigaayo Championshipka . Bayern Munich ayaa sidoo kale isha ku heysa ciyaaryahanka khadka dhexe ee leeds United lamana oga qiimaha ay dul saari doonto kooxdiisa haatan ee leeds xidigooda sida la fahansan yahey ayaa ah hadii uu dalab fiican ku helaan xidigaan in ay diri doonan ayey u badan tahay waayo laacibkaan naftiisa ayaa rabo in uu aado kooxaha waa weyn sida Real madrid iyo Bayern Munich. Manchester United ayaa diyaar u ah inay bixiso in ka badan 86 milyan ginni si ay ula soo saxiixato ciyaaryahanka khadka dhexe ee Joao Neves oo ka tirsan Benfica. United ayaa baadi goobeyso xidigii ay ku bedeli lahaayeen Kasmiro kaasi oo ay u badan tahay in uu ka tago xagaagan wuxuuna ku sii jeedaa horyaalka Saudi Pro league oo uu dalab qiimo sare ka haysto. Chelsea ayaa sidoo kale xiiso u qabta Neves waxayna indha-indheeyayaal u direen kulankii Benfica ay barbaraha 2-2 la gashay Sporting CP habeenkii talaadada ayagoo la soconayo qaab cayaareedka xidigahaan kala Viktor Gyokeres iyo Antonio Silva. Warar kale oo ka soo baxey kooxda Chelsea ayaa iyagana sheegaya Reece James uusan dooneynin inuu ka tago kooxda Chelsea iyadoo lala xiriirinayay inuu baxo maalmihii la soo dhaafay oo uu aado dhankaas iyo spain kooxda ka dhisan ee real madrid kooxda chelsea ayaa u baahan tahay inay iibiso ciyaartoy si ay ula kulmaan heerka dhaqaalo wanaaga ee Premier League ogana badbaadaan in uu ku dhaco wax ganaax dhanka suuqa soo iibsiga cayaartooyda. Barcelona ayaa rajeyneysa inay ku qanciso Xavi inuu beddelo maskaxdiisa oo uu sii ahaado tababaraha isagoo qorsheynaya inuu dalab u diro Erling Haaland xagaaga 2025. Ayagoo ka hortagaayo in ay Real madrid qaadato xidigaan hadii ay city go aan sato in ay iibiso marka uu qandaraaskii dhamaado. Arsenal ayaa xiriir la sameysay kooxda Bayern Munich si ay u hesho saxiixa Joshua Kimmich, kaasoo qandaraaskiisa Allianz Arena uu dhacayo 2025. Tottenham ayaa dalban doonta kaliya 15 milyan ginni si ay uga tagto Giovani Lo Celso xagaagan. Kooxo dhowr ah oo ka dhisan La Liga ayaa xiiseynaya xiddiga heerka caalami ee dalka Argentina.

Football News, Transfer News,Wargeyska sports footbool.net

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *