12. Lionel Messi: Messi ayaa weli ku jeed jeediya daafacyada 2024, xitaa haddii tayada kooxaha ka soo horjeeda ee uu wajahayo toddobaad kasta aysan ahayn heerarkii uu hore ugu hor imaan jirey. 11. Victor Osimhen: Osimhen ayaa muhiim u ahaa kooxdii ugu horeysay ee Napoli muddo 30 sano ah xilli ciyaareedkii hore qaadey koobka Seria A. waxaana uu weli ku raad joogaa kooxda mar kale in ay qaado sanadkaana inkastoo ay Inter hogaanka heyso. 10. Lautaro Martinez: yadoo Inter ay ku sii socoto hanasha horyaal kale oo Serie A ah, Martinez ayaa qarka u saaran inuu xilli ciyaareedka ku dhameysto isagoo ah gooldhaliyaha ugu goolasha badan. 9. Virgil van Dijk: Daafaca ugu fiican kubada cagta adduunka wakhtigan, Van Dijk ayaa sanadkan dib ugu soo laabtay qaab ciyaareedkiisii ​​wacnaa ee Liverpool xilli ay Reds u tartamayso hanashada horyaalka premier League. Xiddiga reer Holland oo haatan ah kabtanka Reds ayaa dhaliyay goolkii guusha ee finalka Carabao Cup horaantii xilli ciyaareedkan waxana uu si adag u soo ciyaarayay kooxda Jurgen Klopp xilli ciyaareedkan oo dhan. 8. Vinicius Junior: Vinicius Junior waxa uu ku raaxeystaa in uu ka garab ciyaaro qaar ka mid ah kuwa ugu fiican adduunka ee garoonka dhexdiisa, laakiin Brazilian-ka ayaa si la mid ah muhiim ugu ah kooxda 14-ka jeer qaaday horyaalka Yurub. 23-sano jirkaan orodkiisa iyo khiyaanadiisa ayaa ka dhigaysa garabka ugu fiican ee haatan kooxda Real, laacibkaa wuxuu u cadeeyay inuu ka ciyaari karo qeyb ka mid ah safka hore ee tababare Ancelotti xilli ciyaareedkan. 7. Rodri: Marka Man City laga badiyo taasoo ah dhacdo naadir ah, waa caadi sababtoo ah Rodri ayaa ka maqan. Laacibka reer Spain ayaa ah mid burburiya khadka dhexe ee daafaca, isaga oo fursad kasta oo uu heli karo kubbada kor u qaada, laakiin waxa uu sidoo kale awood u leeyahay in uu difaacyada kala soo baxo oo uu la soo baxo goolal muhiim ah. Rodri ayaa goolkii guusha u dhaliyay Cityzens finalkii Champions League ee xilli ciyaareedkii hore, isagoo sii ku qorey magaciisa taariikhda Man City. 6. Harry Kane: Kane waqti uma qaadan inuu la qabsado nolosha Munich, isagoo si deg deg ah u helay qaabkiisa gooldhalinta ka dib markii uu xagaagii Bayern kaga soo biiray Tottenham. Kabtanka England ayaa weli jabin kara rikoorka Lewandowski ee goolasha ugu badan ee xilli ciyaareedka Bundesliga, waxaana uu si dhaqso ah ugu guuleystay taageerayaasha Allianz Arena – xitaa haddii aysan ku guuleysan koobka budusligaha sanadkaan. 5. Mohamed Salah: Salah ayaa u dammaanad qaadaya goolasha Liverpool, waxaana uu xitaa noqday bixiye joogto ah saaxiibadiisa kooxda maadaama uu da’ yahay. Inkasta oo uu haatan 31 gool dhaliyay haddana xiddiga reer Masar ayaa sii wada in uu maamulo shaxda gool dhalinta ee Reds. Sadio Mane iyo Roberto Firmino oo ka tagay Anfield, Salah ayaa haatan awood u leh inuu si buuxda maamulo weerarka kooxda Liverpool. 4. Erling Haaland: Haaland ayaa jabiyay rikoorka gooldhalinta hal xilli ciyaareed ee Premier League intii lagu jiray ololihiisii ​​​​ugu horeysay ee Man City, isagoo dhaliyay 36 jeer 35 kulan oo uu u saftay kooxda heysata horyaalka xilli ciyaareedkii hore. Xiddiga reer Norway ayaa laga yaabaa in aanu noqon ciyaartoyga ugu farsamada badan kubbada cagta ee abid la arko, laakiin naxariis la’aanta uu goolka hortiisa ku hayo ayaa ka dhigaysa mid ka mid ah xiddigaha ugu halisan adduunka. 3. Kevin De Bruyne: Dhaawac weyn oo soo gaaray bilowgii ololahan ayaa De Bruyne ka dhigay inuu garoomada ka maqnaado dhowr bilood, laakiin wuxuu si deg deg ah u helay cagihiisa ka dib markii uu muddo dheer ka maqnaa, waxaana uu haatan dib ugu soo laabtay line upka ugu fiicneyd kooxda Guardiola. Belgian-ka waxa uu wax ku samayn karaa kubbada cagta ma jiro ciyaaryahan kale samayn karin, iyada oo uu baaskiisa oo kale aan la sameyn karin. 2. Jude Bellingham: Waxaa jiray calaamado su’aal ah oo ku saabsan sida ugu dhaqsaha badan ee Bellingham uu awood ugu yeelan karo inuu la qabsado Real Madrid ka dib markii uu ku biiray xagaagi hore, laakiin wuxuu aamusiyay shaki kasta dhowrkii kulan ee ugu horeysay ee Bernabeu. Xiddiga reer England ayaa dhaliyay goolal aan la soo koobi karin oo muhiim u ah hogaamiyayaasha La Liga xilli ciyaareedkan waxana uu durba ka mid yahay xiddigaha khadka dhexe ee ugu fiican adduunka isaga oo 20 jir ah. 1. Kylian Mbappe: Mbappe ayaa hubaal ah inuu kooxda Bellingham kula midoobi doono caasimada Spain xilli ciyaareedka soo socda, iyadoo xiddiga reer France uu qaab ciyaareed fiican ku jiro ka hor inta uusan u dhaqaaqin Real. Weeraryahanka ayaa celcelis ahaan gool dhaliyay kulan kasta uu cayaarey ilaa haatan. Paris Saint-Germain ayaa inta badan la dhibtoon doonta isaga la’aantiis kooxda. Waxa uu u noqon doonaa khasaare weyn xilli ciyaareedka soo socda, laakiin guuldarradoodu waxay faa’iido weyn u noqon doontaa Real.

Football News, Transfer News Wargeyska sports footbool.net

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *