Newcastle vs West Ham, Sabtida 12.30pm Tan iyo bilowgii xilli ciyaareedkii hore laga soo bilaabo 67-kulan muunad, West Ham waxa ay dhalisay 1.6 gool 90kii daqiiqo ee uu joogay kooxda iyo 0.6 isaga la’aantiis. Taasi waxay la macno tahay in saamayntiisu ay masuul ka tahay gool ciyaarta. Isboortiga dhibcaha hooseeya, taasi waa mid weyn. Waxaa garab taagan Jarrod Bowen iyo Mohamed Kudus, West Ham waxay noqon kartaa soo jeedin xiiso leh marka loo ogolaado inay xoriyad ku ciyaaraan.

Bournemouth vs Everton, Sabtida 3pm Kooxaha sida dhaqsaha leh kubada u dheesha waxay awoodi doona inay ay garaacaan kooxda Bournemouth. Kubadda kooxda Everton waxay ku dhisan tahay cadaadis sare iyo abuurista fursado badan ee garoonka dhexdiisa ah ,Waxa jira todoba kooxood oo ka tirsan Premier League kuwaas oo dheela kubada dhakhsida oo toos ah” marka la qiimaynayo ciyaartooda. Waana Sheffield United, Luton, Brentford, Nottingham Forest, West Ham iyo Everton – Rikoorka Bournemouth ee kooxahaas xilli ciyaareedkan waa mid aad u liita oo niyad jab leh runtii.

Chelsea vs Burnley, Sabtida 3pm Gool dhalin la aan ayaa dib u dhigtay Chelsea xilli ciyaareedkan. Taasi way isbedelaysaa hada. Siddeedii kulan ee ugu dambeysay tartamada oo dhan, Chelsea ayaa dhalisay 19 gool. Waxaa jira calaamado aad u wanaagsan oo ay muujinayaan wiilasha Mauricio Pochettino, kuwaas oo bareejo la galey labada kooxood Manchester City iyo Liverpool, iyagoo garaacay Aston Villa iyo Newcastle. kulankii ee ugu dambeeyay ee labada kooxood ayaa gool iska dhaliyay halka Burnley ay muujisay inay awood u leedahay inay shabaqa ka soo taabtaan kooxaha waaweyn. Wiilasha Vincent Kompany ayaa gool ka dhaliyay meel ka baxsan gurigooda sida Liverpool, Manchester City, Aston Villa, Brighton iyo Arsenal.

Nottingham Forest vs Crystal Palace, Sabtida 3pm. Nuno Espirito Santo wuxuu u muuqdaa inuu wali raadinayo line upkiisi kiisii ​​​​ugu fiicnaa mana awoodi doono inuu isticmaalo xidigahiisa muhiimka ah ee weerarrada kulankaan iyadoo weli ay tahay xilli hore in la sameeyo qiyaasta line upka.

Sheffield United vs Fulham, Sabtida 3pm Ma jiraan wax rajo ah Sheffield United kulankaan. Xaqiiqdii waxaan arkay in 2-2 ay barbaro la galeen Bournemouth, kulan kaan waxaa loo badinaa in ay everton si fudud ku badin doonto oo dhicnaha ka soo qaadan doonto kooxda sheilfeild oo guridooga jooga.

Tottenham vs Luton, Sabtida 3pm kooxda luton uma babac dhigi karaan Tottenham oo hada ku jirta qaab cayaareed fiican. Iyada oo dhaawacyadu kooxda luton kor u kacayaan iyo kalsooni darada kooxda taasi oo muujineyso hal guul oo kaliya 11kii kulan ee ugu dambeeyay. Spurs way necbahay inay ka hortimaado kooxaha hoose – sida lagu arkay qaab ciyaareedkooda sida Crystal Palace, Wolves, Brentford iyo Everton. Waxay u baahneyd dulqaad iyo khiyaano badan si loo furo kooxahaas. Spurs waa kuwo aan ku fiicneyn arintaas oo hada.

Aston Villa vs Wolves, Sabti 5.30pm Sida xafiiltanku u socdo, kani maahan sida Aston Villa vs Birmingham ama Wolves vs West Brom laakiin kulankaan ayaa soo kordhiyey. Tan iyo bilowgii xilli ciyaareedkii 19/20, kulankaan waa kulankii seddexaad ee ugu xun Premier League – kaasoo ah kooxahan kulmaan ugu yaraan helaan jaaleyaal badan iyo kaadhadh casaan ah.

Brentford vs Manchester United, Sabtida 8pm. Qaab ciyaareedka xun ee Brentford, iyadoo laga badiyay 14 ka mid ah 18kii kulan ee ugu danbeysay ee Premier League – taasi waa guuldaradii ugu badneyd mudadaas koox ka tirsan shanta horyaal ee ugu sareysa Yurub. Rajadu waxay ku xidhan tahay soo laabashada Bryan Mbeumo oo ka caawinaya Brentford inay ka baxaan xaaladdooda dhegta leh. Ka hor inta uusan dhaawicin waxa uu ku jiray xilli ciyaareedkiisii ​​ugu fiicnaa Premier League, isagoo dhaliyay 10 gool 18 kulan oo uu saftay. Waxa uu saameyn weyn ku yeelan karaa Brentford, gaar ahaan kulamada guriga.

Sky Sports – Sports News, Wargeyska sports footbool.net

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *