Real Madrid ayaa la socota xaalada Trent Alexander-Arnold ee Liverpool xilli uu ku sii dhawaanayo 12-ka bilood ee ugu dambeeya qandaraaskiisa. Alexander-Arnold, oo 25 jir ah, ayaan weli qalinka ku duugin heshiis cusub oo uu Liverpool kula sii joogayo, kaas oo mudnaanta koobaad ee bilihii la soo dhaafay ay ahayd in ay liverpool doorato maamul cusub ee isboortiga iyo magacaabista tababare kale ka dib go’aankii uu Jurgen Klopp kaga tagay shaqada kooxda. dhamaadka xilli ciyaareedka. Waxaa muhiim aha hada, ma jiraan wax xiisad ah oo u dhexeeya Alexander-Arnold iyo Liverpool. Labada dhinacba waxay leehihiin wada xaajoodyo meel fiican maraya, waxaana la rumeysan yahay inay is fahmeen, iyadoo wadahadalada qandaraaska ay sii socon doonaan ilaa ay Liverpool ay keenayso tababare cusub oo howsha la wareego. Si kastaba ha ahaatee, Alexander-Arnold weli ma balan qaadin inuu sii joogayo Liverpool, Real Madrid ayaa kor u qaaday xiisaha ay u qabto xaaladda. Waxaa loo arkaa inuu yahay xirfadle sare kaasoo lagu heli karo qiimo jaban haddii wadahadallada Liverpool ay burburaan, xaaladda Alexander-Arnold ayaa xiiso u leh dhowr kooxood oo caan ah.

Madrid ayaa si farxad leh u dhaqaaqi doonto saxiixa Alexander-Arnold hadii uu diyaar noqdo waxaana jira soo jiidasho ka socota kooxda Spain oo ku aadan in Liverpool ay kala soo wareegto laacibkaan, Alexander-Arnold ayaa ku faraxsan Liverpool, kooxduna ma qorsheynayso inay dirto daafaca midig si kastaba, laakiin heshiis kordhin ma sameyn doono ilaa uu ku qanaco aragtida tababaraha cusub ee qaban doono kooxda liverpool.

Xiisaha Madrid ee Alexander-Arnold ayaa yimid ka dib markii ay soo baxeen warar sheegaya in ay doonayaan saxiixa xiddiga Chelsea Reece James. Madrid ay si fiican isha ula raaceyso xaalada James, maadaama ay la socdaan ciyaaryahan kasta oo heer sarre ah, laakiin helista kabtanka Chelsea ayaan loo arkin mid macquul ah hada sababo badan dartood.

James waligiis ma jeclayn inuu ka tago Chelsea. Si buuxda ayey uga go’an yahay in uu joogo London, qabashada kabtanimada kooxda ayaa tusaale u ah. Dhanka kale, Blues ayaa u badan tahay inaysan xitaa wax qiimo ah dul saarin James – xitaa dalab ka badan 100 milyan ginni ayay u badan tahay in la diido si aan shaki lahayn inkastoo Chelsea ay dooneyso inay iibiso ciyaartoy badan xagaagan laakin James si fudud uma iibin doonaan xagaagan.

Inkastoo uu ka mid yahey laacibiinta ugu fiican adduunka marka uu qaab ciyaareedka fiican ku jiro hadana James ayaa la dhibtoonayay dhaawacyo sannadihii ugu dambeeyay, Madrid waxay u baahan doontaa kalsooni dheeraad ah oo ku saabsan taam ahaanshihiisa iyo qaab ciyaareedkiisa ka hor inta aysan xitaa ku kaftamin fikradda ah inay bixiyaan lacag badan waana waa waxa ay ka fiirsanayaan inta aysan wax qiimo ah u gaarin kooxda Chelsea. Kooxda reer Isbaanishka ayaa si weyn loola xiriirinayay Reece James sanadihii ugu dambeeyey inkastoo aysan waligood wax wada hadal ah la furin kooxada xidigaan iska leh ee Chelsea iyo wakiilada laacibkaan, bes rabitaankooda wuxuu ku egyahay ilaa hada afka la arki doona xagaagan markii la gaaro waxey la soo shirtagaan, waxaa jirta cayaartoy badan oo naadiga Chelsea laga diri doono xagaagan si loo dhimo qarashaadka ku baxa cayaartooyda tira badan ee haataan joogo naadiga lakin lama oga in uu James ku jiri doono iyo in kale.

Football News, Transfer News,Wargeyska sports footbool.net

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *