Declan Rice ayaa ah sabab muhiim ah in Arsenal u muuqato mid ka xoog badan xilli ciyaareedkaan kooxda Man City, warbaahinta wararka sportska oo wax ka qorey sheekada ka dambeysa saxiixiisa iyo sababaha uu ugu wareegay kooxda Arsenal oo ay Man city ku seegtay saxiixiisa ayaan halkaan ku faah faahin doonaa. Sanad kahor inta uusan xidiga qadka dhexe ogololaanin inuu biiro Arsenal oo uu wax badan ku soo kordhiyo qaabciyaaraha duufaanka ee Arsenal, waxaa soo socdey wada hadalo badan oo si hoose ugu socdey xidiga iyo wakiiladiisa.Heshiis adag oo aan horay loo arag oo taariikhda naadiga ka mid ah ayaa lagula soo wareegyey kaaso oo gacan weyn ka geestey oo ka caawiyay kooxda Arsenal helitaanka xidigaan agaasimaha dhanka kubadda cagta Richard Garlick, kaasoo loo dallacsiiyay MD xiligan sanadka, isagoo xiriir adag la leh aabaha, walaalka Declan rice ayadoo ahaa taliyayaasha dhanka suuqa ee laacibkaan heerka caalami. Ma jirin xitaa wax cabsi ah oo Arsenal ay qabeen xitaa markii City ay isku dayday in ay xoog kula wareegto xidigaan kana saarto Arsenal booska. Walaaca kaliya ee ay Arsenal ay qabaan ayaa ahaa inay lacagta ay dooneysay kooxda West Ham oo marba marka ka dambeeyo sii kordheysa taasi oo City ugu wacneyd oo qiimaha ku sare kicisay , inkastoo ay Arsenal ay qiimo kasta oo west ham loo gaaro ay igana diyaar la ahaaayeen ay soo ban dhigto kooxdii ay la tartameen sababo la xiriira dhaqaalo badni oo mar walba city ku qaadato laacibiinta ay kooxaha kale la heshiiyeen. Qof walbo wuu og yahay inaan rabnay isaga,” ayuu yiri Pep Guardiola bishii October. “Ugu dambeyntii, Arsenal ayaa inbadan ku dadaashey oo ay dooneysay in ka badan isaga. Waxaa laga yaabey in Mikel uu ahaa mid aad iiga fiican qancinta xidiga iyo kooxdiisa lafteeda, ama dalabyada ay heleen in ay ahaayeen kuwa aan la diidi karin waxaan aaminsannahay in city ay lumisey fursad qaali ah oo laacibkaan kaan kula wareegi karney. Laakin hada ma awoodi karno in aan helno xidig buuxiyo booskaas aan uga baahneen isaga. Waxaan awoodi karnaa sanadaha soo socda hadaan suuqa ku sii jirno in aan helno xidig kale oo u dhigma laakin hada ma ogi. Runtii waxay aheyd In Rice uu horey u goʼaan sadey in uu ku biiro Arsenal isaga oo ay u cadeyd taargetkiisa oo aheyd meesha uu ku socdo. Dareenka wuxuu ahaa mid labada dhinacba boositiv ah macnaha kooxda iyo xidigaba. Saamaynta uu ciyaarta ku yeesho iyo is bedelada uu kooxda ku soo kordhiyey, awooda uu ku soo saari karo sida ugu wanaagsan in ay u cayaaraan kooxda inteeda kale, ayaa qabsatey indhaha falanqeyayaasha cayaaraha iyo oo wax badan ka sheegay sheekada ku xeeran sida Arsenal isu badeshay oo u noqotey kuwa loo saadaaliyo horyaalka ka hor City iyo Liverpoolba, iyagaa la loo badinaa in ay qaadi doonaan horyaalkaan sida ay sheegayaan saadaaliyaasha cayaaraha Premeir league waxaan la arki doonaa awoodiisa iyo tan kooxdaba maalinta axada oo ay la cayaari doonaan kooxda City oo hadii ay garaacaan city ay horyaalka u sii dhowaan doonaan iyaga oo rajo fiican ka yeelan doono hanashadiisa.

Sky Sports – Sports News, Transfers, Wargeyska sports footbool.net

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *