Xavi oo shaaciyay inuu doonayo inuu ka tago Barcelona, Kor u kaca qaab cayaareedka kooxda dhawaanahan ayaa keentay in taageerayaasha ay ku baaqayaan In Xavi uu sii joogo, Laporta ayaa shein ay ku dadaali doonaan sidii uu ku sii jooogi lahaa Xavi kooxda xili cayaareedka soo socda. Madaxweynaha kooxda Barcelona Joan Laporta ayaa ku adkeystay inuu doonayo in Xavi Hernandez uu sii joogo xilka macalinka kooxda wixii ka dambeeya xilli ciyaareedka 2023/24. Xavi ayaa ku dhawaaqay inuu damacsan yahay inuu ka tago Barca dhamaadka ololaha 2023/24 dhowr bilood kahor ka dib markii uu qaab ciyaareed liita ay kooxda gashey iyagoo labo El Clasicos laga badiyey isla markaana ay ka hareen tartankii loogu jirey hanasha horyaalka La Liga. Tan iyo markaas, si kastaba ha ahaatee, qaabka cayaareedka kooxda La Blaugrana ee horyaalka iyo championka isbedel weyn ayaa ku yihin oo wuu soo fiicnaadey .Barca ayaa ku naaloonaysa haatan toban ciyaar oo ay guuldaro la’aan ah dhamaan tartamada oo dhan, waxaana dhawaan u soo gudbeen wareega afar dhamaatda champion league ama wareega quarter finalka Uefa Champions League markii ugu horeysay tan iyo sanadkii 2020-kii iyadoo ay guul ka gaartay SSC Napoli oo ka cirib tirey koobkaan. Dib u soo kabashada kooxda ayaa horseeday in taageerayaasha ay ku baaqayaan in Xavi uu sii joogo kooxda, iyadoo wararka ay sheegayaan in ay jiraan saddex shuruudood oo, hadii ay buuxsamaan, ay keeni karto in macalinka uu sii joogo. Mid ka mid ah ‘xaaladaha la sheegay’ ayaa sida la sheegay barca si gaar ah u waydiinaysa Xavi inuu fikirkiisa beddelo, isagoona wareysi uu siiyay Mundo Deportivo, madaxwaynaha naadiga Laporta wuxuu sheegay in uu sameyn karo oo ay dhici karto in uu bedelo fikirkisa bixitaanka ah oo la sii joogo kooxda. “Haa, haa, haa, haa, haa, durbaba wuu og yahay isaga in Barca ay rabto in Xavi uu sii joogo, laakin waa uu u arkaa. Waxaan jeclaan lahaa inuu isaga sii wado, hase yeeshee waxaan horey ugu sheegay wakhti hore markuu ka hadlayay culayska saaran inaan halkan mar walba culays iska jiro oona jiri doono. Waxaan weydiiyay hadii ay jirto qaab uu maskaxdiisa u beddeli karo, laakin waxaan arkay isaga oo la tacaalaya cadaadis saaran oo wajigisa laga arki karo, markaa waxaan u sheegay in uu isdejiyo hadii uu sidaa u arko. “Wuxuu had iyo jeer sii dhahaa inuu dhamaadka xilli ciyaareedkan isaga tagi doono sidii aan ku heshiinay, laakiin waan arki doonnaa. Yaanan culays inagu saarin nafteena maxaa yeelay xiligan xaadirka ah ee la joogo waxay shaqaysaa formulahan. Wax walba waxey ku xirnaan doontaa sida uu xili cayareedkaan uu ku dhamaado, durbaba wuu ogyahey. Wuxuuna heystaa dhiirigelin uu rabo inuu ku guuleysto inuu marxaladdan guul ku dhameeyo, ama keeno kooxda boos fiican ee xili cayaareedka soo socdo ugu tartanto koobabka ay dheesho oo dhan, wuxuu isku dayayaa in uu helo qaab cayaareed joogto ah oo kooxda ku dagaalanto sanadaha soo socda marka taasi la helo way fududaan doontaa in uu ka fekaro in uu sii joogo oo u sii wato shaqadiisa tababarenimo xili cayaareedka soo socda 23/24.

Football News, Transfer News,Wargeyska sports footbool.net

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *