Leicester City ayaa ah kooxdii ugu dambeysay ee lagu soo oogay in ay jabisay qawaaniinta Premier League Profit & Sustainability, iyadoo ay dhaaftay xadka loo ogol yahay in uu qasaaro ka soo gaaro iyadoo la xisaabtamayo xisaabaadka ugu dambeeyay. Sida waafaqsan qawaaniinta, loogu talagalay in lagu joojiyo kooxaha in ay kharash ka baxsan awoodooda, kooxuhu ma ka khasaare karaan in ka badan £105m muddo sadex sano ah. Eedeenta waxay laga soo bilaabey seddexda sano ee ugu dambeysay oo ay ku jiraan 2022/23, markii Foxes laga soo celiyay horyaalka sare. “Leicester City waxaa ay la yaab ku noqotay falalka ay maanta qaaday Premier League”, sida lagu qoray qoraalka websitekooda. “Kooxda Leicester city aad ayay ugu niyad jabsan in Premier League uu talaabo noocan ah ka qaado LCFC, inkastoo ay jirto dadaallada ay kooxdu waddo oo wadahadal kula jiraan maamulka Premier League ee la xiriira arrimaha ku saabsan eedayntan loo jeediyay,LCFC inkastoo aysan hadda ku jirin kooxaha Premier League ka cayaaro. LCFC ayaa wali diyaar u ah in ay wadahala miro dhal ah oo is fahan ku saleysan la galaan Premier League iyo EFL si ay u raadiyaan xalka saxda ah ee eedeymaha kasta oo dhici kara, hay’adaha saxda ah, iyo waqtiga saxda ah. Naadigu wuxuu wali ka war hayaa waano ku aadan mowqifkiisa, hadii loo baahdana wuu sii wadi doonaa inuu iska difaaco fal kasta oo sharci darro ah oo ay masʼuuliyiinta kubadda cagtu ku dhaqaaqaan, haddii ay isku dayaan inay awood u yeeshaan inay ku samyystaan awoodooda sharci darro, sidii horaantii sannadkan ka dhacday. “Masuuliyiiin u hadashey kooxda LCFC waxay si isdaba joog ah u muujisay sida ay uga go’antahay in ay raacaan xeerarka P&S iyada oo loo marayo qaabka u degsan muddo aad u badan, taas oo ku guulaysatay in la raaco hirgelinta himilooyinka isboortiga oo gebi ahaanba lagu kalsoonaan karo marka la eego guusha joogtada ah ee ay kooxdu gaartay wakhtigaas, cayaarah gudaha iyo tartamada Yurub labadaba. Inta aan sii wadeyno matalana jagada naadiga, waxaan sii wadi doonaa inaan u dagaalami doono kooxda iyo musqabalkeda. “Naadigu waxa uu u mahadcelinayaa taageerayaasha kooxda sida ay wax u fahmeen arrintan iyo taageerada joogtada ah ee ay u hayaan kooxdeena, kuwaas oo guusha ay garoomada ka gaareen todobaadyada ugu dambeeya ee xilli ciyaareedkan ay yihiin diiradda koowaad sidii ay ugu soo noqon lahaayeen Premier league. Everton ayaa horey ugu dhacday ciqaabta sharciyadaan iyo qawaaniinta P&S, iyagoo laga jarey toban dhibcood inkastoo markii dambe hoos loo dhigen lagana dhigey lix dhibcood markii ay racfaan qaadateen ka dib. Balse wali waxaa jira eedeyn kale oo ku socota kooxa Toffees. Waxaa kaloo ganaax qoorta loo surey kooxda Nottingham Forest ayadoo laga jarey dhibco taasi oo ka dhigtey in ay ka haraan premier leageu hadey sidaan ku dhameystaan xili cayaareedkaan, waxey ku jiraan kaalinta lagu haro.

Hada waxaa jira warar kale ee sheegaya in kooxaha City iyo Chelsea lagu dhegan yahey oo laga yaabo in ganaax adag qoorta loo suro, inkastoo city dhowr mar lagu soo oogey eedeymo ah in ay jabisey xeerarka Premier league hadana wali wax laga jarey ma jirin markaan waxaan arki doonoo mesha uu ku dhamaato eedeymahaan.

Football News Wargeyska sports footbool.net

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *