Is reeb reebka kulamda Euro 2024 iyo waqtiyada la cayaari doono iyo meelaha

Euro 2024 waa koobkii 17aad ee tartanka qaaradda kaas oo billowday 1960
Talyaaniga ayaa ah horyaalka koobkaan euro difaacanaya ka dib markii ay ka qaadeen england kulankoodi wembley sannadkii 2021. Xulka England ayaa ka mid noqday xulalka loo saadaalinaayo tartanka xagaagan, waxaana ku wehliya kooxda kubadda koobka aduunka haysata ee France. Mudo badan kama dhino Euro 2024 wuxuu dhici doonaa xagaagan marka waa kuwan wax walba oo aad uga baahan tahay inaad ka ogaato tartankaan Euro 2024. Euro 2024 wuxuu ka dhici doonaa Jarmalka inta lagu jiro xagaaga 2024 wuxuuna socon doonaa 14ka Juun illaa 14ka July. Laba dal ee kala ah Jarmalka iyo Turkiga – ayaa ku tartamey marti gelinta koobkaan, waxaa loo qaadey sanadkii 2017-ka euro 2024-ka, jarmalka ayaa ku guuleystay 12 ka mid ah 17ka codad ee wadar ahaan codeysay. Kooxda martigeylineyso oo ah Germalka ayaa si toos ah ugu soo baxday bilaa tartan sida caadada u ah, taas oo macnaheedu yahay in 23 wadan ayaa ka soo baxey cayaarihii wareega isreebreebka euro 2024. 53 dal ayaa loo qaybiyay toban guruub, waxa ayna kala qaybsameen todobo guruub oo ka kooban 5 kooxood iyo saddex guruub oo min lix koox ka kooban. Koox kastaa waxay la ciyaartay kooxaha guruubkeeda oo dhan iyadoo koox walba ay ku ciyaartay gurigooda iyo marti ahaanba, iyadoo kooxaha ku guuleystay kaalinta iyo kaalinta labaad ee group kasta ay u gudbeen finalka Uero 2024. Wali waxaa harsan seddex wadan ee tartanka oo aan wali u soo bixin tartankaan , kulamda isbuucyadan dhici doona ee bishaan March ayaa arki doonta inta u soo baxdo ciyaaraha Euro 2024 ee xagaagan. Waxaana wada cayaari doono 12 dal, waxaana haatan la shaaciyay in la ciyaari doono Lix kulano oo wadamada ku tar tami doonaan is reeb reebkan. sadexii dal ee soo badiyo kulamdaan la cayaari doonaa waxaa waxey xaqiijin doonaan boosaskooda Euro 24 ee wadama yurub kana dhici doon Germanka xagaagan.

Date & kick-off time (GMT)FixtureVenue
21/03/2024 – 17:00Georgia vs LuxembourgBoris Paichadze National Stadium – Tbilisi
21/03/2024 – 19:45Greece vs KazakhstanOPAP Arena – Athens
21/03/2024 – 19:45Israel vs IcelandSzusza Ferenc Stadion – Budapest
21/03/2024 – 19:45Bosnia & Herzegovina vs UkraineStadion Bilino Polje – Zenica
21/03/2024 – 19:45Poland vs EstoniaPGE Narodowy – Warsaw
21/03/2024 – 19:45Wales vs FinlandCardiff City Stadium – Cardiff

Euro 2024 wadama cayaari doono finalka is reeb reebka iyo goorta-
26/03/2024 Georgia/Luxembourg vs Greece/Kazakhstan
26/03/2024 Wales/Finalnd vs Poland/Estonia
26/03/2024 Bosnia & Herzegovina/Ukraine vs Israel/Iceland
Euro 2024 Garoomada lagu qaban doono. Waxaa la qaban doonaa qeybo ka mid ah garoomada Jarmalka ee diyaar u ah Euro 2024, oo ay ku jiraan sagaal garoon oo horey loogu qabtey ciyaaraha koobka adduunka 2006 ee ka dhacey dalka Garmalka. Olympiastadion, Allianz Arena, Signal Iduna Park,Mercedes-Benz Arena, Arena AufSchalke, Deutsche Bank Park,Volksparkstadion, Merkur Spielarena, Merkur Spielarena, garoomadaan ayaa ku yaalo dhamaan dalka Germalka goboladiisa kala duwan, waxaan ku jiro garooman caan ah oo kooxaha ugu waaweyn ee horyaalka bundusligaha ay ku cayaaraan, waana garooman aad u qurxoon oo si fiican u naqshadeysan.

Football News, Wargeyska sports footbool.net

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *