Rajada Arsenal ee ah in ay ku guuleysato Premier League iyo Champions League waxaa lagu gaari karaa koox caafimaad qabta Gabriel Martinelli iyo Jurrien Timber ayaa ah xiddigaha kaliya ee Gunners haatan dhaawac kaga maqan. Xidiga reer Brazilian ayaa la rajeynayay inuu soo laabto ka dib kulamada caalamiga ee la cayaari doono isbuucyada horteeni ah ka hor kulan Man City la cayaari doonaan. Gunners ayaa farqiga goolasha ku fadhisa hogaanka horyaalka Premier League, waxaana ay u soo baxday wareega 8da Champions League, halkaasoo ay kula ciyaari doonaan Bayern Munich, ka dib markii ay rigoorayaal kaga soo gudbeen Porto wareega 16ka. Xaaladda dhaawacyada cayaaryahanada Arsenal ayaa aad u wanaagsan Mikel Arteta kooxdiida waxaa Kaliya ka maqan labo xiddig oo kooxda koowaad ah kuwaas oo jug weyn ku ah kooxda waxaan la rajeynayaa in ay soo noqdaan inta lagu jiro fasaxa cayaaraha caalamiga ah ee Maarso. Waxaa jirtay cabsi laga qabay in dhaawac halis ah uu soo gaaro garabka reer Brazil ee Gabriel Martinelli markii uu cagta ka dhaawacmey kulankii ay Arsenal 6-0 kaga badisay Sheffield United horaantii bishaan. Waxaa jirta rajo ah in Martinelli uu ka soo kabsan doono dhaawaca lugta deg deg si uu uga soo muuqdo kulanka weyn ee Arsenal ay ku wajahayso Manchester City horyaalka Premier League axada 31 March marka fasaxa caalamiga ah uu dhamaado. 22-sano jirkaan ayaa kasoo muuqday 25 kulan oo Premier League ah xilli ciyaareedkan, isagoo ka qeyb qaatay lix gool iyo afar caawin uu ka helay garabka bidix. Waxa uu sidoo kale afar jeer ka soo muuqday Champions League, isagoo goolal ka dhaliyay Sevilla iyo Lens. Daafaca reer Holland ee Jurrien Timber ayaa nasiib u yeeshay bilawgii ugu xumaa ee mustaqbalkiisa Arsenal markii uu dhaawac ka soo gaadhay jilibka hore kulankiisii ​​ugu horeeyay ee Premier League ee ay la ciyaareen Nottingham Forest bishii August. 22-sano jirkaan ayaa ka ciyaarayay daafaca bidix, isagoo kasoo muuqday boos isku mid ah kulankii Community Shield ee ay ka badiyeen Man City wax yar usbuuc ka hor inta uusan wajihin Forest. Dagaal uu la galay Brennan Johnson – oo hadda ku sugan Tottenham – ayaa ka dhigay in Timber uu dhutiyo, waxaana uu ugu dambeyntii ciyaarta ka baxey daqiiqadii 50’aad.

Football News, Transfer News, Wargeyska sports footbool.net

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *