Manchester united ayaa ku hormartey 1 gool kaasi oo uu dhaliyey Scott McTominay daqiiqadii 10 ee cayaarta haafkii hore goolkaas ka dib kooxda liverbool ayaa la wareegtey cayaarta iyadoo fursado badan abuurey ayaa waxaa u suuro gashey in helaan goolkii bareejada daqiiqadii 45 aad ee cayaarta ayaagoo ku sii darey 47 aad gool kale oo cayaarta lagu kala nastey 1-2 oo liverbool hogaanka ku haysay kooxda Jurgen Klopp waxaa goolasha u kala dhaliyey Alexis Mac Allister iyo Mohamed Salah.

Antony oo bedel ku soo galey cayaarta ayaa waqtigii dhimasha ee cayaarta goolkii bareejada taasi oo keentay in cayaarta waqti dheeri la isla aado Extra time, Liverpool oo dadaalkedi sii wado ayaa ka faa’iideysatay kala daadsanaanta daafaca Man Utd markii Elliott uu dhaliyey gookii sadexaad ee liverbool Marcus Rashford ayaa mar kale barbareeyey oo u dhaliyey United goolkii sadexaad ka hor intii Amad Diallo aan u sii afareyn taasi oo cayaarta ka dhigtey in United ku badiso 4-3 una soo gudbaan wareega afaraad ee quarter finalka. cayaartii caawa waxey ahey quarter finalka koobka FA Cup-ka oo lagu qabtey garoonka Old Trafford Man United, maadaama Man Utd iyo Liverpool ay isku dayeen inay ku biiraan coventry City, Manchester City iyo Chelsea oo jooga quarter finalka ayaa caawa ku soo biirtey United taasi oo la cayaari doonta Chelsea. waxaa habeen hore soo gudbey Man city halka horeyna u soo gudubtey Coventry city iyo chelsea ay caawa oo gudubtey marka chelsea ayaa waxey ku aadey Man United halka City and ku aadey Coventry United, kuwi xaley soo baxey way isku aaden halka kuwa caawa soo wada baxey ay isku beegan yihin. Chelsea iyo United ayaa noqon doono kulan xiiso badan maadaama ay labad kooxoodba ayna ku jirin tartamada koobabka kalee oo kaliya ay rajo ka qabaan FA cupkaan in ay qaadaan oo ay ku bad baadiyaan xili cayaareedkaan macalimiintooda oo calaamada su aal badan saaran tahey iyagaoo lacago badan qarash gareeyey xili cayaareedkan suuqa kala iibsiga cayaartooyda waliba aan ku guuleysan wax koob ah oo weyn.

footbool.net Football News, Transfer News, League

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *