Kooxaha Arsenal iyo Man City ayaa ku aadey labo koox oo culus. cayaarahaan aya ah kuwa ugu culus ee wareega 8da ee Champions League Quarter-finals waxa la ciyaari doonaa labada toddobaad ee ugu horreeya Abriil.

Arsenal vs Bayern Munich .Arsenal waxa ay ku qasbanaatay in ay si adag u soo dagaalanto oo ay FC Porto soo reebto si ay halkan u soo gaadho,waxana ay ku qasban tahay in ay haatan iney aad isku soo adkeyso si ay Bayerna u reebto. kooxda Bayern oo doonaysay in ay badbaadiso xili cayaareedkeeda oo aan noqon koob la aan hadii ay dhacdey la laga adkaado taas oo sumcadeeda dhaawac weyn ku noqotay. Man City vs Real Madrid kulan kaan ayaa noqon doonto kulan xamaasad leh. Labadan ayaa ku kulmay semi-finalka xilli ciyaareedkii hore, ka dib barbaro 1-1 ah lugtii hore lagu soo galey Bernabao, waxaa lugtii labaad 4-0 oo ay ku badisay kooxda Pep Guardiola ee Etihad Stadium. Paris Saint-Germain vs Barcelona. PSG waa in ay dib u soo nooleeyaan xamaasadoodi maadaama colaadda aan dhamaadka lahayn ee Barcelona ay u qabaan tahay xiiso kale leh. Markii ugu dambeysay waxay kulmeen 2020/21, markaasoo PSG ay 4-1 kaga badisay Camp Nou taasi oo aheyd guul aan caadi ah oo ay gaarto kooxda Faransiiska. Atletico Madrid vs Borussia Dortmund. kulankaan ayaa isku haleeli doonta kooxda Borussia Dortmund iyo Atletico Madrid, kulanka ugu dambeeya ee wareegan. Waa markii ugu horreysay oo ay kooxahan ku kulmaan wareegga bug-baxa ee tartankan, inkastoo ay guul wada gaareen labadii kulan ee ay ciyaareen heerka guruubyada 2018/19.

Lugta hore ee wareega 8da ayaa la ciyaari doonaa April 9/10, iyadoo kulamada soo laabashada la ciyaari doono usbuuc ka dib April 16/17. Semi Final-ka ayaa bilaaban doona qiyaastii bisha April 30 iyo May 1, waxaana lugta labaad la ciyaari doonaa 7/8 May. Labada kooxood ee soo baxa ayaa ku tartami doona finalka garoonka Wembley ee London 1-da June.

footbool.net Football News, Transfer News, League Tables

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *