kooxax iska xaadiyey wareega wareega quarter finalka Champions League. Harry Kane & Kylian Mbappe ayaa bandhig wanaagsan soo bandhigay wareega 16-ka.Tartan adag oo loo tartamayo Koobka ay Manchester City difaacaneyso.

1. Harry Kane waxa uu niyadda ku hayaa ku guulaysiga Champions League. Harry Kane ayaa laga yaabaa inuu si fiican u soo afjaro oo u jabiyo rikoorka gooldhalinta Bundesliga ee Robert Lewandowski xilli ciyaareedkiisa ugu horeeya. Ciyaaryahanka reer England, kaasoo dhaliyay seddexleydiisii ​​afaraad ee 2023/24 kulankii Mainz, wuxuu ku jiraa qaab ciyaareedkiisii ​​​​ugu fiicnaa, waxaana ay aheyd labo gool oo uu ka caawiyay Bayern Munich oo qiil qiil ku jirtey in ay u soo baxdo wareega 8da. Waxa ay xaqiiqdii ahayd soo laabasho ku habboonayd qaab ciyaareedka Kane, Soo bandhigida weeraryahanku waxa ay ka caawisay kooxda Thomas Tuchel inay reebaan oo ka badiyaan Lazio. 2. Dhaxalkooda Real Madrid oo aad u dheer. Real Madrid Lagama fileyn qaab cayaareedkii liitey ee kulankii RB Leipzig. Dhaawacyada ayaa door ka ciyaaray guushoodii aan lagu qancin ee 1-0 ah ee ay martida u ahaayeen, taasoo keentay in kooxda martida loo ahaa ay fursado badan iska qasaariyaan. Carlo Ancelotti ayaa si daacad ah u sheegay in kooxdiisu ay tahay inay horumarto” Dhaxalka soo jireenka ee ay u leeyihiin koobkaan ayaa wax badan ku xisaabtama inta lagu jiro tartanka Champions League, mana jirto koox ku haysata tiro ka badan Real Madrid. 3. More to PSG more than just Kylian Mbappe. Mbappe ayaa weli ah dilaaga ugu qatarsan weerarka PSG xiddigan oo go’aamin doona ilaa inta ay PSG ka gaadhayso tartankan, laakiin shaki kuma jiro inay si wada jir ah u wada cayaarayeen xidigaha weerarka waqtii dheer ay isla joogeen. Luis Enrique wuxuu ogyahay in kooxdiisu ay ku tiirsan tahay xidigaan lakin wuxuu rabaa inay yaraato ku tiirsanaanta xidigaan. “Marka la eego heerka ay muujiyeen kulankaan, waa musharax dhab ah oo ku guuleysta Champions League, 4. La Masia ayaa soosaartay cayaaryahano kale oo talantiyo leh. La Masia ayaa aheyd kooxda ka dambeeya guusha Barcelona ka gaartey Naboli. Pep Guardiola, guulihii waa weyn ee uu gaarsiiyey barcelona waxaa gacan ka siiiyey akedemiyadaan soo saarto cayaartooyda yar yar. Xavi ayaa xaley ka maqnaayeen Gavi labada lugood iyo Pedri oo labada lugoodba kuwaas oo ka soo qalin jebisay labadaba akedemiya la masia laakin waxaa wacdaro kale dhigey labada dhiga ee iyagana ka yimid Akedemiyad kuwaas oo Fermin Lopez, oo ah laacibka khadka dhexe ee bur buriyey kooxdii Naboli aheyd iyo Xidiga kale Lamine Yamal iyo laacibka kale Pau Cubarsi oo 17 jir ah oo daafac ka ciyaarayey xaley. 5- Arsenal oo wax ka baranaya shaqada. Kooxda Gunners aya si aad u fool xun uga adkaatay kooxda Porto kaddib kulan 210-daqiiqo ay la dagaalameen. Sergio Conceicao ayaa waxaa lagu doodi karaa in uu si weyn ugu kiciyay dhigiisa, waxaana shaki la’aan ah in su’aalo dheeraad ah ay kasoo bixi doonaan qaab ciyaareedkii Mikel Arteta uu ku ciyaaray. Kooxda Arsenal ayaa si taxadar leh uga taxadaraysay in badan oo ka mid ah kulankaan. 6.Jadon Sancho oo kartidiisa banaanka soo dhigey. Kadib bilooyin ay ku maqnaa ganaax ay saartey kooxdiisi Manchester, kooxda Borussia Dortmund ayaa xidigoodii hore deyn ugu saxiixatay bishii January. xidigaan garabka ka weerartama ayaa bilaabaya inuu mar kale ka iftiimo laamihii ifaayay hoostood. Sancho ayaa bedel ku soo galey cayaarta Dortmund lugta soo laabashada ee ay habeenkii Talaadada la ciyaartay PSV, isagoo dhaliyey goolkiisa ugu horeeyey koobkaan u dhaliyay taasi oo muujiyay farqiga u dhaxeya Man U iyo Borussia.

Football News, footbool.net

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *