Afar gool oo ay dhaliyeen qeybtii labaad ee cayaarta ayaa tottenham ka caawiyay inay guul muhiim ah ka gaarto kooxda Aston Villa galabta , muhiimada guushan ugu wayn ay guusha Totenham ka gaartey   aston Villa ayaa soo  jarto farqiga u dhaxeeya kooxaha labo dhibcood oo ay ku kala jiraan tartanka loogu jiro kaalinta afraad ee Premier League. Ciyaar xiiso badan oo aan gool lahayn haafkii hore ayaa halmar un jabtey Astonvila iyadoo Spurs ay afartii daqiiqo ee qeybtii labaad laba gool ku dhalisay ka hor inta aysan shaqadooda u sii  sahashey markii uu qalad galey  ka timid xidga aston villa ee John McGinn taas oo ganaax red caar ah uu ku muteystay xidiga qadka dhexe ee reer Scotland oo banaanka looga saarey. Tottenham ayaa laba gool oo dheeraad ah dhalisay xili qeybtii labaad ee ciyaarta waxayna ku sii jirtaa shanaad balse waxay laba dhibcood u jiraan kooxda  Unai Emery ee Aston Villans iyadoo hal kulan baaqi u yahay oo gacanta ku hastaan.

Inta badan ayaa la saadaaliyaayey in kulankaan ka dhacaya Villa Park oo ay labada kooxoodba u tartamayaan kaalimaha sare ee Horyaalka premier league , Totenham ayaa u soo safartey  kulan muhiim ah ugaarsiga usoo bixida Champions League. Villa ayaa soo galisay McGinn, Leon Bailey iyo Matty Cash sedexdan isbadal oo ay sameeyeen kulankii  habeenimadii khamiistii ee kooxda Ajax, halka Tottenham ay soo dhaweysay dib Usoo celinta Pedro Porro oo dhaawacnaa iyadoo  oo pape Matar Sarr iyo Brennan Johnson ay sidoo kale kusoo bilowdeen.

Si kastaba ha ahaatee, qeybtii hore ciyaarta, ma jirin wax toogasho oo bartilmaameed ah oo la sameeyey 45 daqiiqo ee ugu horeeya. Villa waxay u muuqatay mid daallan oo aan lahayn wax tamar ah ku jira is qeybtii  furitaanka, inkastoo Spurs aysan abuurin fursado badan hadana waxay  haysteen kontoroolka cayaarta.  Micky van de Ven, Porro, iyo Cristian Romero ayaa dhamaantood sameeyay  soo kabasho muhiim ah kulan kaana si fiican ku bilowdey, laakin ma jirin wax goolal ilaa 15 daqiiqo ugu horeysay qeybtii labaad cayaarta.

Si kastaba ay ahaato, Aston villa waxba ma la imaanin  ilaa  lagu dhuftay waqtigii nasashada laba gool oo kale oo ay kala dhaliyeen  Son Heung-min iyo Timo Werner oo cayaarta ka dhigey 4-0 oo guusha ku raacdey totenham , laakin wali waxey fadhiyaan kaalinta shanaad oo waxay leeyihiin 53 dhibcood halka ay kulan baaqi u yahey oo ay cayaareen kaliya 27, Aston vila ayaa iyaga wali ku jira kaalinta afaraad oo leh 55 dhibcood ayagoo cayaarey 28 kulan.

wixii dheeraad ah oo sports ku saabsan kala soco webkan Wargeyska sports footbool.net Football News, Transfer News, League Tables

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *