LIVERPOOL, ENGLAND - FEBRUARY 01: Mohamed Salah of Liverpool celebrates after scoring his team's fourth goal during the Premier League match between Liverpool FC and Southampton FC at Anfield on February 01, 2020 in Liverpool, United Kingdom. (Photo by Julian Finney/Getty Images)

Mohamed Salah ayaa ku adkeystay hadii Jurgen Klopp uu ka tagayo kooxda Liverpool uusan saameyn ku yeelan doonin mustaqbalkiisa kooxda. Klopp ayaa xilka macalinnimada ka dagi doona dhamaadka xilli ciyaareedka – waana talaabo ay dad badan saadaalinayeen in ay isbedel dhanka mar xalada cusub ah ku keeni doonto Anfield iyadoo kooxdu isku diyaarineyso inay gasho xili ciyaareed cusub. Cayaartooyda ku jiray qandaraasyada 18-kii bilood ee ugu dambeeyey, oo ay ka mid yihiin Trent Alexander-Arnold, Virgil van Dijk iyo Salah, ayaa loo badinayay inay ka sii bixi doonaan albaabka looga boxo anfeil, laakiin masuuliyiinta kooxda ayaa ku adkeysanaya inuusan oggolaan doonin in bixitaanka Klopp uu saameyn ku yeesho go’aanadooda.

“Maya, maya- maya- waa nolosheeda, hada waa qayb ka mid ah noloshauda hadii wax walba ay dhacaan aniga hada ma tagi doono,” ayuu Salah u sheegay warbaahinta. “Ciyaartoyda ayaa horay uga tagay kooxda. Ciyaaryahano aad muhiim u ah ayaa ka tagay kooxda. Macalinka ayaa sidoo kale aad muhiim ugu ah kooxda wuxuuna ka tagayaa kooxda. Aniga maalin maalmaha ka mid ah ayaan kooxda ka tegayaa, laakin ma jiro bixitaanka Klopp wax saameyn kuma yeelan doonto. Salah ayaa bartilmaameedkiisa ugu sareeya u ah kooxda Saudi Pro League xagaagan isagoo garabsanaya laacibka qadka dhexe ee kooxda Manchester Kevin De Bruyne.

Salah ayaa shaaca ka qaaday siduu markii ugu horeysay u maqlay arinta ku saabsan go’aankii Klopp uu xilka kaga degay xagaagan, isagoo qirtay inuu ugu horeyn rumeeyey in tabaraha lagu wado inuu qandaraas cusub u soo saxiixo  kooxda Liverpool.

“Waxey aheyd mid wareer ah,”Sida caadiga ah kulamo ma qabano 10:30. waa waqtiga warbixinta, 12 waa tababar. Markaa markay dheheen waxaa jirey kulan 10:30, waxaan is dhahey  ‘Maxaa jira?’.

Wakiilka Klopp ayaa joogay, waxaan is dhahey, ‘Hagaag, wuxuu cusbooneysiin doonaa qandaraaskiisi’. Markaas shan daqiiqo ka hor kulanka, Virg van Dijk wuxuu yidhi, ‘Ma ogtahay waxa shirka ku saabsan yahay?’. Waxaan dhahay maya. Wuxuu yiri, Tababaraha wuu tagayaa’. Waan yaabey Wuxuu igu celiyey, ‘Runtii, tababaraha wuu tagayaa’. Waan aamini waayey waxaan  dhahey, ‘Run miyaa, sabab?’. Wuxuu igu dhahey, ‘ ma ogi wax fikrad ah Kama hayo’.

Kadibna Macalinka ayaa soo galay ciyaartooydiina… qof walba ayaa weeydinayey, isaga ayaana sidaa yiri. Waxay ahayd wax layaabka leh maadaama aan qofna hore u ogeyn, wax saxaafad ah ma  joogin, xitaa kuma fikireynin arrintaasi, mar ayuu yidhi.”Taasi waxay noo ahayd maalin cajiib ah, laakiin waa kubada cagta wax kastana waa ka dhacaan waa meel cajiib ah.”

Mohamed Salah ayaa qandaraaskiisa dhacay 2025 marka lamana ogo in uu mid cusub saxiixi doono iyo inkale.

wixii warar ah ee cayaaraha iyo cayaartooyda kala socda web footbool.net

Football News, Transfer News, League Tables .

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *