Wuxu ahaa kulankii ugu adkaa ee cayaraha horyaalka koonfur galbeed ee somalia intii u bilowdey labada kooxood ee galabta cayaarey waxay tartan ugu jireen kaalinta koowaad oo kooxdii badiyo ayaa hogaanka horyaalka la wareegeyso kooxaha waxey kala la haayeen BCC 13 dhibcood halka kooxda Baidoa oo leh 14 dhibcood marka waxaa cad in kulankaan uu ahaa final oo kale kooxdii badiso ay hogaan la wareegeyso taasi waxey keentey in labada kooxood ay diyaargarow sare ay soo sameeyaan garoonkana la soo galaan cayaartoy diyaarsan, Waxaa labo gool dhalisey kooxda BCC laakin kooxdii Baidoa ayaa dhalisey 3 gool taasi oo ka dhigtey kooxda hada hogaanka hayso. 2-1 ayaa lagu kala nastey haafkii hore ee cayaarta ka dib ayaa la isku soo noqdey ayaa la dhaliyey goolasha kale. labo gool oo ka mid goolasha waxaa dhaliyey laacibka lagu magacaabo Eeney gool.

cayaartii maanta waxaa u soo daawasho tagey taageerayaal aad u tiro badan kana badan intii horey u imaan jirtey sabatoo ah wuxuu ahaa kulan xiiso badan oo derbi ah kulankaan,dad weyne aad u badan iyo taageerayaal ayaa garoonka soo buux dhaafshey ayaa ka kala yimid xaafadaha kala duwan ee magaalada. kulankaan ayaa ka dhacey garoonkii uu horyaalkaan ka socdey ee dr Ayub stadium oo ku yaala xaafada Berdaale ee magaalada Baidoa. Kulankii maanta dhacey wuxuu kii ugu dambeeyey kulamada horyaalka heerka koowaad ee koonfur galbeed ee somalia, waxaa la geli doona fasax gaaban oo mudo bil ah ka dib ayuu dib u furmi doonaan cayaaraha.

taageerayaal aan wareysaney ayaa inoo sheegay in ay aad ugu xun yihiin in uu ka xirmo horyaalka ayna jeclaan lahaayeen in uu furnaado oo galabta kasta u soo daawasho tagaan cayaaro saan u kulul oo leh xiiso gooni ah. inkastoo cayaartoyda nasiinyo iyo soo kabasho ka helaan fasaxa noocaan oo kale ah.

wixii warar ah ee ka soo kordha cayaarahaan iyo cayaartoydaba waxaan idinku soo gudbin doonaa wargeyskeena footbool.net iyo tube kannalkena iyo facebook pagekeena Facebook.com

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *