Kulan ka tirsan kulamadii horyaalka seria A ee koonfur galbeed somalia ayaa galabta ka dhacey caasimada gobolka bay ee Baydhabo garoonka weyn ee dr Ayub stadium. kulan ayaa waxaa uu u dhaxeeyey kooxaha kala ah Sheekh Asharow iyo Horseed. Wuxuu ahaa kulan xiiso badan oo cayaar cajiib ah labada kooxoodba ay soo bandhigeen. kulankii galabta waa ku adkaatey kooxdii sheekh Asharow ayadoo ugu awood sheegatay 4 gool. ayadaoo haafkii hore ee cayaarta ay ku dhaliyeen 2 gool halka qeybtii dambe ee cayaarta la isku soo noqdey ayaa waxaa u suuro gashey in ay la yimaadaan laba gool oo kale taasi oo cayaarta ka dhigtey 4-0 in ay ku soo dhamaato. kulankaan wuxuu ka tirsanaa kulamadii wareega sideed sideed waxey horey u soo wada cayaareen koox kasta ilaa 6 kulan waxaan u dhiman labo labo kulan kooxkasta. kooxda guuldarada la hooyatey ee horseed ayaa galabt u noqotey difishon 2 kana hartey horyaalkii Seria Ada, kooxdan ayaa guul darooyin badan la kulan tay taasi oo sababtey in ka harto kooxaha heerka 1aad una kooxaha heerka 2aad, taageerayaasha iyo cayaartooyda kooxda horseed oo niyad qab weyn ka qaadey guuldaradii maanta ayaa waxey la hadleeen wargeyska footbool.net ayaa sheegey in aad ugu xun yihiin in kooxdooda u taabato heerka labaad ayna sabab u yihiin cayaartooyda oo aan sidii la rabey u cayaarin waxay sheegeen in ay soo laaban doonaan ayaagoo intaan ka joogbadan. waa wax laga xumaado hadaan nahey kooxda Horseed in aan weyno booskeeni horyaalka heerka koowaad ayey hadalka ku soo gaba gabeeyeen cayaartooydii aan la hadalney galabta. Hada waa isku soo harey shan kooxood oo uu tartami doono horyaalka iyo kaalimaha kala sareynta, kooxaha isku soo hareyna waxey kala yihiin Baysom, BCC, Sheek Asharow, Xidigaha Busley, Bay star. waxey ku sii tartami doonaan horyaalka, wuxuu dib u furmi doona ramadaanka ka dib, hada kooxaha fasax ayey galayaan mudaba bisha ah ee ramadaanka. kooxaha horyaalkaan ka cayaaro ayaa ku tilmaamey nasashadaan hada ay ka nasanayaan cayaaraha fursad aad u fiican oo dhib u soo kabasho iyo dib isu soo qaabeyn ah taasi oo fursad u siin doonto in ay soo noqdaan ayagoo inaan ka tamar badan oo si fiican u soo kabsadey wixii dhawacyo kaga maqnaa.

Waxaan soo baahin doonaa wixii ku soo kordha kooxaha iyo cayaartoydaba intii ay ku jiraan fasaxa ramaadka, waxaad kala socon doontaan halkaan wixii sports ah ee ka dhaca gayiga soomaaliyeed iyo caalamka intiisa kale. wixii su aalo ama fikrado oo wado waxay noogu soo diri karaan komentiga ma

emailkeena: footboolnetnews@gmail.com Source (5) WhatsApp

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *