Waxaa galabta kulmey labada naadig ee kala ah Bay som iyo xidigaha Busley taas oo galabta ka dhacdey magaalada caasimada ah ee Baydhabo. labad kooxdba waxay cayaareen ayaa aad u adag oo ay ku soo bandhigeen bandhig cajiib ah oo aad u xamaadsad badan. Goolkla ugu horeeyey waxaa dhalisey kooxda Xidigaha Busley ka dhib waa la bareeyey hadana Baysom ayaa dhalisey goolkii labaad waan la soo bareejey mar kale ka dibna waa loogu darey oo goolkii sadexaad laga dhaliyey Cayaarta waxaa ku gacan sareysay kooxda Baysom oo dhalisey sadex gool oo ay dhaliyeen xidigahooda taasi oo u sahashey iney si fudud ku dardaraan kooxdii ka soo hor jeeday ee xidigaha Busley. Inkastoo ay Bay som daafaca bixid uu rooso ka qaatey hadana way dadaaleen oo wax ay difaaceen goolkoodi guusha ee galabta u horseeday mana laga dareemin in ay ahaayeen 10 cayaartooy oo hal cayaartooy uu ka maqnaa 10 vs 11 iney cayaarta aheen dhankooda ma muujin waxay buuxiyeen booska cayaartoygaas. Xidigaha busley way ka faaideysan waayeen fursadaasi ee cayaar yahanka ka maqnaa kooxda ka soo horjeeday ee Baysom. Runti waxey aheyd cayaar adag oo labada kooxoodba ay weeraro badan qaadayeen oo goolal badan ilaa 5 gaarayo la iska dhaliey . waxaan galabta cayaarta daawanaayey dad weyne aad u tiro badan oo ka kala yimid 5ta xaafadood ee ugu waa weyn ee magalaada baydhabo.

Hoyaalkaan ayaa maraya meshii ugu kululeed ayadoo kooxaha ay cayaareen 8 kulan oo wuxu marayaa wareega 8aad, waxaan u dhiman koox kasta 2 kulan marka arintaas darteed ayey cayaaraha u sii kululaadeen. Koox waliba waxey rabtaa in ay aruursado intii dhibic ay heli karto hada intaan horyaalka dhamaan si a yoga fogaadan in ay ka haraan horyaalk ama meel hoose oo liitada ka galaan kala sareynta kaalimaha sare ee horyaalka. Horyaalka hada waxaa la cayaari doonaa inta ka dhiman bisha ramadaanka ka dibna wuu xirmi doonaa oo waa la soomi doonaa Insha Allah ka dib ayaa la isku soo noqon doonaa oo horyaalka meeshiisa ka sii socon doonaa, intaas ayaa kooxaha waxaa u soo laaban doono cayaartoy kaga maqnaa dhaawacyo iyo ganaaxyo kala duwan.

Gudiga maamulaya cayaarahan garsooraha iyo calanwadayaasha ayaa si fiican u maalo cayaarta ayagoo qofkii qaldamaa uu marayo ciqaabtiisa ayadoona wax dood ama is qab qabsi dhicin ayey cayaar waliba si nadiif ah ku dhameeyaan. Kooxahana iyo cayaartoydooday iyo maamulkooda way ku mahadsan yihiin sida ay u dhaqan geliyaan xukunka garsoorka cayaaraha garsooraya taasi oo sharaf u ah dhamaanta inta ku lug leh hoyaalkaan qabsoomistiisa iyo maamulkiisa. Wali ma soo sheegin koox ama cayaartoy tirsanaayo calaad daro ama eex lagu sameeyey ilaa inta uu hada horyaalkaa socdo,

Hoyraalkaan wuxuu soo bilowdey horaantii sanadkaan 2024 wuxuuna socon doonaa ilaa xaagaaga  waxaan arki doonaa kooxda qaado horyaalka iyo kuwax kale ee kaalimada sare ee horyaalka ku dhameysto waxaan gacan weyn ka geystay in horyaalkaan uu meel fiican gaaro warbaahinteed ee ah  footbool.net iyo youtube kannalkena iyo xariirka kubada cagta koonfurgalbeed ee Soomaliya oo marka la soo gaabiyo loo yaqaan Swsfa.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *