Real Madrid oo dooneysa Foden; Madaxa indha indheeya suuqa kooxda Real Madrid juni Calafat ayaa “jacayl” u qaaday xiddiga Manchester City ee Phil Foden, kooxda Real madrid ayaana laga yaabaa inay raadiso saxiixiisa bedelkii Erling Haaland mustaqbalka.

 Liverpool ayaa haatan ka danbeysa Manchester City tartanka loogu jiro saxiixa Joshua Kimmich oo ka tirsan Bayern Munich xagaagan. Barcelona ayaa sidoo kale xiiseyneysa ciyaaryahanka khadka dhexe. 

Crystal Palace ayaa diyaarinaysa liis ay ku badali karto Marc Guehi kaas oo ay bartilmaameed ka dhiganayeen kooxaha Arsenal, Liverpool, Manchester United iyo Tottenham mudooyinkii ugu dambeeyay. 

Everton ayaa isha ku heysa inay u dhaqaaqdo daafaca Hull Jacob Greaves iyadoo Manchester United iyo Tottenham ay xiiseynayaan Jarrad Branthwaite.

Barcelona ayaa miisaamaysa qaabkii ay ku heli lahayd ciyaaryahanka khadka dhexe ee Arsenal Jorginho, iyadoo La Blaugrana ayaa raba in ay qiimo jaban ku qaataan xidiga xagaagan. Waxaa la yaab leh in Barcelona aysan meesha ka saarin inay iibineyso xiddigeeda kubad sameeyaha ah ee Pedri sababo la xiriira rikoorka dhaawaca xun ee sanadihii ugu dambeeyay.

Manchester United wakiika suuqa ee kooxda ah ayaa daawanayay Joshua Zirkzee intii lagu jiray kulankii muhiimka ahaa ee ay Bologna 2-1 kaga badisay Atalanta Axadii. Xiddiga reer Holland ayaa dhaliyay goolkii bar-baraha ee rigoore iyada oo kooxdiisu ay guul muhiim ah ka gaartay tartanka loogu jiro kaalinta 4-aad ee ugu saraysa 

Arsenal Weeraryahanka kooxda Arsenal ay dooneyso waa Ivan Toney, ayaa hada xiiseyneyso kooxdiisi hore ee Newcastle. Chelsea ayaa sidoo kale ka fikireysa inay u dhaqaaqdo xiddiga Brentford.

 Viktor Gyokeres ayaa doorbidaya inuu ku biiro Milan halkii uu ka ahaan lahaa Arsenal haddii uu ka tagayo Sporting CP xagaagan.

Chelsea waxa ay ku jirtay dhawr safar oo indho-indhayn ah si ay u daawato garabka kooxda Athletic ee Nico Williams bilihii la soo dhaafay. Bayern Munich iyo Tottenham ayaa sidoo kale isha ku haya 

Manchester United ayaa ka mid ah labada kooxood ee ugu waaweyn ee ku tartamaya saxiixa Victor Osimhen xagaagan Napoli, iyadoo PSG ay sidoo kale si xoogan uga go’an tahay inay soo qaadato. Arsenal iyo Chelsea ayaa weli xiiseynaya weeraryahanka Nigeria. Manchester United ayaa noqon doonta Jadon Sancho, iyadoo kooxdu ay go’aansatay inay iska iibiso iyada oo aan loo eegin in Erik ten Hag uu yahay tababaraha xilli ciyaareedka soo socda. Sancho ayaa haatan amaah qalalan ugu maqan Borussia Dortmund.

Bayern Munich weeraryahanka kooxda Mathys Tel ayaa saxiixay qandaraas cusub oo mudo dheer kooxda, taasi oo soo afjaraysa wararka la xiriira mustaqbalkiisa  ee lala xiriirinaayo in manchester united taasi oo kooxda Bavaria oo af jartey wararkaas.

Bayern ayaa galabta Arbacada ku dhawaaqday heshiis ayadoo xaqiijisay in kooxda Tel ay haatan ku xirantahay kooxda Wundesliga ilaa iyo xagaaga 2029. Xidigaan 18 sano jir ah ayaa horay uga soo wareegey kooxda Rennes sanadkii 2022. “Heshiiskan kordhinta ah macne weyn ayey ii tahay. Bayern wax badan ayaan ka bartay, gudaha iyo dibada garoonka labadaba. Munich ayaa aniga iyo qoyskeyga u noqotay hoy, taageerayaasha ayaa sidoo kale anigana muhiimad weyn ii ah. Ma ahaan karo laacibka aan la’ahay iyaga la’aantood,” ayay Tel u sheegtay warbaahinta.

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *