Odegaard ayaa ku booriyay Gunners inay diirada saaraan kaalinta 1aa dka. Martin Odegaard ayaa isha ku haya in Arsenal ay sii wadato guulaheeda ka dib markii ay 6-0 ku garaacday Sheffield United. Wiilasha Mikel Arteta ayaa todobadii guul oo xidhiidh ah ka gaadhay, Arsenal waxayna noqdeen kooxdii ugu horaysay ee horyaalka Ingiriiska ee saddex kulan oo xidhiidh ah ku guulaysata meel ka baxsan garoonkeeda oo ay ku dhaliyeen shan gool iyo wax ka badan. Odegaard, Gabriel Martinelli, Kai Havertz iyo Declan Rice ayaa dhamaantood ahaa bartilmaameedka ka hor qeybta nasashada – iyadoo Jayden Bogle uu sidoo kale shabaqa soo taabtay – ka hor inta uusan Ben White dhameystirin ciyaarta ka dib. Kabtanka Gunners Odegaard ayaa u sheegay Warbaahinta “Kulan walba waa muhim, meesha ugu sareysa waa dagaal wanaagsan, kulan walbana waa muhiim, seddexda dhibcood ee kale waa waxa aan dooneyno inaan helno, marka waxaan rajeyneynaa inaan sameyn karno taas. Runtii si fiican ayaan u kontoroolney cayaartana waan xakameynay. Waan garanay sida ay cayaartoodu ahayd, markii aanu kubbada haysanayna waxa aanu ku jirnay niyad fiican, wax badana aanu abuurnay – qaab cayaareed fiican.”Waxaan rabnay inaan sii wadno dardargelinta waxaana rabnay inaan si xooggan u bilowno. Meelaha sidan oo kale ah waxay noqon karaan kuwo dhib badan haddii aadan si fiican u bilaabin oo aanaan ku joogsan halkaas.”Arsenal ayaa ku jirta kaalinta 3-aad ee kala saraynta laakiin waxa ay soo jartay farqiga dhibcaha u dhexeeya hogaamiyayaasha Liverpool ka hor inta ayna ku laaban Waqooyiga London si ay sabtida ugu soo dhaweeyaan Brentford.Kooxda Jurgen Klopp ee Reds ayaa marti galin doonta kooxda kaalinta labaad ku jirta ee Manchester City maalinta xigta taas oo la macno ah in kooxda Arteta ay noqon karto dhamaadka todobaadka hogaamiyaasha horyaalka waa  hadii ay natiijadu sidii ay rabaan u dhacdo. Tababaraha Arsenal ayaa yiri: “Waa inaan sii wadnaa qaab cayaareedka wanaagsan, waxan u baahan nahey inaan joogteyno oo dardargelinta.“Waan jeclaadey qaabka ay kooxdu u ciyaartey, tayada aanu soo bandhignay, kubad iyo kubbada la’aanta. Waan ku raaxaysanay cayaartii maanta laakiin berri waa Brentford mana ogi wixii dhici doono.Sheifield united waxa ay noqdeen kooxdii ugu horreysay ee horyaalka Ingariiska ee laga badiyo seddex kulan oo isku xigta oo horyaalka ah ugu yaraan shan gool.Boss Chris Wilder ayaa u sheegay warbaahinta “Waxaan u maleynayaa inaan wax ka qaban karno xaaladaha qaarkood. Ma aanan cadaadin weeraryahanada Arsenal waxaana u fududeynay inay na furaan.” “Arsenal waxay ahayd mid aad u fiican, si wayn ayay noo garaaceen, waa inaan la noolaano.”kooxdaan ayaa weli ku jirta meesha ugu hooseeya, 11 dhibcood ayey ka hooseeyaan, halka premier league lagu sii joogo ee kala sareynta.   

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *