Waxaa wali si habsami ah u socdo cayaarahi horyaaka koonfur galbeed ayadoo wali kooxaha kulmaya ay sii wadaan dadaaladii ay ku doonayeen in ay soo bandhigaan cayaaro tayo sare oo loo soo daawasho tago. Cayaarahaan waxey soo jiidaan maalin maalinta ka dambeyso taageerayaal iyo dad weynde tiro badan iyo dadka reera isportska ah. In kubad tayo sare ay kooxaha soo bandigaan waa ay ku qasban yihiin si u soo jiitaan indhaha dadka weynaha u soo daawasho tago ee reera sports ah. Sportskana waa u muhiim is dhex galka iyo horumarka nabad gelyada bulshada.

Cayaar aad u xiiso badan dhex markey kooxaha kala ah Al-Ahli iyo kooxda kalee AFC. Cayaartaas oo ka dhacdey caasimada gobolka bakool ee xudur. waxaa u soo daawasho tagey dad weyne aad u badan oo ka kala yimid dhamaan xaafadaha degmada xudur. cayaartaan waxey u dhacdey qaab aad u qurxoon oo labada kooxoodba ay soo bandhigeen kubad ku dhisan weerar iyo difaac. Waxey aheyd is arag kale ee ka tirsan hoyaalka kooxaha heerka koowaad oo ka socdo xili cayaareenkaan iyadoo kooxaha ku tartamayaan kaalimaha sare ee horyaalka. Cayaartaan waxaa 2-1 ku adkaatey kooxda AFC taasi oo qaadatey dhibcihii cayaarta ee sadexda dhibcood ahaa, waxaana u suura geliyey xidigoodi cayaarta ka dhaliyey labada gool kaasi oo lagu magacaabo Ideeg. Wuxuu ahaa xidiga garoonka iyo kooxda AFC wuxuu soo bandhigey kubad aad u qurxoon oo xirfad ku dheehan tahay. Kooxda AL-Ahli ayaa la timid 1 gool kaasi uu u dhaliyey xidigooda lagu magaaaco Inata kaasi asaga cayaarey kubad aad u fiican. Labada kooxoodba waxey cayaareen cayaar aad u asluubeysan oo ka muuqatey maamul iyo isku dabarid sare. Labada kooxoodba isku awood ayey ahaayeen marka loo fiiriyo cayaartoyda ay koox waliba la soo shir tagtey balse dadaal dheeri ah oo ay muujiyeen iyo nasiibka oo saacidey kooxda AFC ayey ku heleen guusha.

Horyaalkaan ayaa ka socdo caasimada gobolada Bay iyo Bakool garoomada ku yaalo oo kala ah DR Ayub stadium iyo Waberi stadium oo ay kooxaha ku tartamayaan hanashada hoyaalk south west state league kaasi soo si habsami ah u qabsoomaha maalmaha Arbaca, khamiis iyo Jimcaha isbuuc kasta inkastoo mar mar la cayaaro sabti ama axad. Hoyaalkaa soo gudbintiisa waxaa soo fududeeyey waa shabakada warbaahinta Footbool.net iyo xiriirka kubada cagta koonfur galbeen somalia iyo xiriirka kubada cagta soomaaliyeed oo kaashanay xiriirka kubada cagta aduunka.

Dad weyne aan wareysiyo la yeelanay ayaa waxay noo sheegeen in aad u jecelyihiin cayaarahaan u soo daawasho tagaan maalin walba ayna jecelaan lahaayeen in intaan laga soo badiyo oo kulamo badan iyo koobab badan la cayaaro sida ka jira wadamada kale ee caalamka. kooxaha waxey ku tartamaan horyaalka kaliya ma ahan ee waxey cayaaran dhowr koob kale sidaas la mid ayaan rabnaa in aan daawano kooban kala duwan.waxaa sidaas yiri dadkii aan wareysaney badankooda yiraahdeen ayagana in ay daawadaan kooban kala duwan.

Warbaahinta footbool.net waxey idin soo gudbindoontaa dhamaan wixii ku saabsan isborts. Waxaan ka soo warami doonaa suuqa kala iibsiga cayaartoyda, kulamada horyaalada europ sida premeir league, La liga,Bundusliga,ligue 1 iyo Seria Ada.

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *