Kulan kaloo caadi ayaa galabta ka dhacey garoonka Dr Ayub stadium ee ku yaala magaalo madaxda gobolka Bay ee Baydhabo. Cayaartaan waxey ka tirsaneyd horyaalka kooxaha heerka koowad ee dhowaanahaan ka socda maamul goboleedkaas. Cayaartii maanta waxaa ku gacan sareysay kooxda Sheik Asharow ayagoo dhaliyey 5 gool halka kooxdiikale ee BCC ayaga ay la yimaaden 2 gool, cayaarta oo ku soo dhamaatey 5-2 oo guusha ku raacdey kooxdii dadaashey una qalantey in ay la hooyato dhibcaha cayaarta galabta. Horyaalka meeshiisi ugu kululeed ayuu marayaa waxaana kala socon doontaan wargeyskaan footbool.net haduu Alle yiraahdo kulamada la cayaari doono.

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *