Cayaar kulul oo daqiiqado ka hor soo dhamaatey ayaa ka dhacdey garoonkii ugu weyn ee koonfur galbeed ee somaliya. Cayaartaas oo galabta wacdaro ka dhigeen xidiga FC Baydhabo iyo FC Busley. Waxaa 6-0 ku adkaatey kooxdii FC Baydhabo. runt ahaan galabta waxaa meesha ka dhacey waa xasuuq, nus darsin goolal waa isku awood sheegasho. FC Busley waxey ahaayeen hogaamiyaashii horyaalka laakin galabta si ayaa loogu xoog batey inkastoo uu horyaalka socdo oo kulamo harsan yihiin oo wali waxey heystaan fursad dib i soo noqosho iyo aarsi ay ku sameyn karaan. Galabta qaab cayaareedkii kooxdii Fc busley wax weyn ayaa ka bedelnaa sidii horey looga bartey ma aheen banoonigoodi waxaa ka maqnaa is fahanka iyo isku xirnaanta khadka dhexe iyadoo uu cayaar yahan ka cayaaro garabka difaaca ee xidigaha Busley qaatey red card ayaa sameyn kale oo xoogan ku sii yeeshay cayaarta. Cayaarihii oo sii kululaadey taageerayaashi oo aad ugu soo badanayo garoonka ayaa sii xamaasadeyey horyaalka. Wareysiyo aan la yeelaney Kabtanka fc Baidoa iyo masuuliyiinta kooxda kala socda youtubekanal: wax yar ka dib. Footbool kannal ee cayaaraha – YouTube

FG Horyaalka South west league waxaa la cayaaraa oo maalmaha Arbaca, Khamiista iyo Jimcaha waxey ka kala socdaan caasimada gobolada Bay iyo Bakool.

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *