£52m oo ay Lille ka soo iibsatay waxaana soo iibsaday Erik ten Hag laakiin waligiis uma ciyaarin tababaraha Dutchka ahaa ama kii kale ee ku meel gaadhka Ruud van Nistelrooy ka dib markii uu cagtiisa dhaawac ka soo gaadhay xilli ciyaareedkii hore. Ka dib markii qaliin lagu sameeyay bishii Agoosto, Yoro waxa uu dib ugu soo laabtay tababarka kooxda koowaad intii lagu jiray imaanshihii Amorim bishii Nofembar.
Yoro ayaa wali sugaya kulankiisii ​​ugu horeeyay ee tartan rasmi ah isaga oo xidhan maaliyada United, laakiin tababaraha reer Portugal ayaa ka dhawaajiyay in sugitaankiisii ​​dheeraa uu dhamaanayo bartamaha todobaadkan.

"Laga yaabee in Leny Yoro uu kooxda lagu soo bilaabayo ka mid noqdo, waxa uu ku jiraa waqti fiican, taam ahaanshihiisana wuu fiicnaan doonaa," Amorim ayaa u sheegay warbaahinta shirkiisa jaraa'id ee Isniintii.
“Isagu wuxuu leeyahey hibo gaar ah, waa inaan ka taxadarnaa waqtigan ugu horreeya,” ayuu 39-jirka macalinka ah hadalkiisa sii raaciyay. “Ma aanan yeelanin tababaro badan, runtii aad ayuu u dheereeyaa, waa daafac casri ah, taasi waa wax fiican marka aad rabto inaad sare u qaado oo aad ka tagto weeraryahanada mid ka mid ah, wuu maamuli karaa taas.

“Runtii aad ayuu ugu fiican yahay kubada, aad ayaan u faraxsanahay, waa in aan taxadaraa si aan u maareeyo culayskiisa, laakiin aad ayaan ugu faraxsanahay in aan arko isaga oo ciyaaraya”.

Warka wanaagsan ee taageerayaasha United, Amorim wuxuu sidoo kale meesha ka saaray walaac kasta oo dhaawac ah oo ku soo wajahan kabtankiisa Bruno Fernandes. Tababaraha ayaa xaqiijiyay in kubad sameeyaha kala qaybsanaanaya uu taam u yahay inuu ku ciyaaro Emirates Stadium habeeka Arbacada ka dib markii la arkey isagoo baraf canqowga ku haya, ka dib markii uu ka soo baxey kulankii ay 4-0 ku xasuuqeen Everton axadii. United ayaa weyn doonta labada ciyaaryahan ee khadka dhexe Kobbie Mainoo iyo daafaca dhexe Lisandro Martinez ka dib markii labada ciyaaryahan ay qaateen ganaax taasoo keentay isbuucaan.


Wixi warar ah ee ku saabskan kubada cagta waxaad kala socon kartaa halkaan maalin kasta iyo saacad kasta. https://www.footbool.net/ ama waxaad kaloo kala socon kartaan facebook bagekeen oo aan maalinkasta soo dhigno wixii warar ah ee ku saabsan kubbadda cagta. https://www.facebook.com/

                                                     
                     

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *