Arsenal ayaa sii wada raadineysa wado ay ku soo xero geliso weeraryahanka RB Leipzig iyo Slovenia Benjamin Sesko kaas oo bartilmaameed u ahaa Gunners intii lagu jiray suuqii xagaaga. (football.london)
Manchester United ayaa ugu cadcad inay ugu dambeyntii gacanta kusoo dhigto ciyaaryahanka khadka dhexe ee reer Holland Frenkie de Jong hadii uu ka tago Barcelona xagaaga soo aadan. (Fichajes - Spain)
Manchester City ayaa doonaysa in ay Erling Haaland u gacan galiso heshiis cusub isla markaana ay wax ka badasho qodobbada lagu burburin karo heshiiska kaas oo u ogolaanaya in uu kooxda ka tago mustaqbalka. (TBR Kubadda Cagta)
Liverpool ayaa wadahadalo horumar leh kula jirta saxiixa daafaca dhexe ee kooxda Sevilla Loic Bade marka la gaaro suuqa January. (Fichajes - Spain)
Juventus ayaan dhag jalaq u siin codsigii Paul Pogba ee ahaa in uu sii joogo Turin ka dib markii la dhimay ganaaxii 4-ta sano ahaa ee uu ku soo saaray isticmaalka daroogada, waxaana wali socda qorshayaal ay ku doonayaan in ay uga dhigaan wakiil xor ah. (Tuttomercatoweb – Talyaaniga)
Barcelona ayaa doonaysa in ay la soo saxiixato goolhaye cusub oo ‘heer sare ah’ si uu u buuxiyo booska Marc-Andre ter Stegen, waxayna bartilmaameedkooda 1-aad u aqoonsadeen goolhayaha Porto ee Diogo Costa. Joan Garcia oo Espanyol ka tirsan iyo David Raya oo Arsenal ka tirsan ayaa sidoo kale xiiso u qaba. (El Nacional – Spain)
Xiisada sii kordheysa ee u dhaxeysa kooxaha Chelsea, Liverpool iyo Manchester United ayaa keentay in indha indheeyayaal loo diiday inay galaan ciyaaraha dhalinyarada. (Ciyaaraha)
Weeraryahankii hore ee Italy haatana ah maamulaha Turkiga Vincenzo Montella ayaa si lama filaan ah u noqday badalka Erik ten Hag ee Manchester United. (Ajansspor – Turkiga)
Ten Hag ayaa halis ugu jira in la ceyriyo haddii uusan horumarinin natiijooyinka iyo qaab ciyaareedka United fasaxa soo socda ee caalamiga ah. Si kastaba ha ahaatee, tababaraha reer Holland ayaa helay dhiirigelin dhowaan iyadoo labada Gareth Southgate iyo Thomas Tuchel ay meesha ka saareen inay isku soo sharaxi doonaan bedelkiisa. (Mirror)
Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Bayern Munich Joshua Kimmich ayaa weli xiiseynaya Manchester City, Liverpool iyo Barcelona, laakiin kooxda Bavarian ayaa rajeyneysa inuu saxiixo qandaraas cusub. (HITC)
Milan ayaa wadahadalo horudhac ah la furtay River Plate oo ay ku doonayso da’yarka tayada leh ee Franco Mastantuono, kaas oo lagu burburin karo 41 milyan oo euro, sidoo kalena xiiso ka helaya Real Madrid. (La Gazzetta dello Sport – Italy)
Aston Villa ayaa ku soo biirtay tartanka loogu jiro saxiixa xiddiga khadka dhexe ee aadka loo qiimeeyo ee Ukrain Georgiy Sudakov kaas oo dhaliyay 7 gool iyo laba caawin 10 kulan oo uu ciyaaray xilli ciyaareedkan Shakhtar Donetsk. (Caughtoffside)
Leeds United ayaa miisaamaysa heshiis waqti gaaban ah oo ay u soo bandhigtay ciyaaryahankii hore ee khadka dhexe ee Arsenal Francis Coquelin, kaasoo ahaa wakiil xor ah tan iyo markii ay iska fasaxday Villarreal bishii June. (The Sun)
Wixi warar ah ee ku saabskan kubada cagta waxaad kala socon kartaa halkaan maalin kasta iyo saacad kasta. https://www.footbool.net/ ama waxaad kaloo kala socon kartaan facebook bagekeen oo aan maalinkasta soo dhigno wixii warar ah ee ku saabsan kubbadda cagta. https://www.facebook.com/