kooxaha kala ah BCC iyo Horseed ayaa galabta cayaar xamaasad badan leh ku dhexmartey. Waxeyna ka mid aheyd cayaaraha horyaalka South west state league kaasi oo ay ku tartamaan kooxaha heer kowaad. Cayaarta oo ku bilaabatey jawi aad u qurux badan ayaadoo dadweyne aad u badana ay u soo daawasho tageen. Dad weynaha ku nool Baydhabo iyo nawaaxijeeda ayaa aad u jecel kubada cagta waxay isaga yimaadaan meelo aad u fog fog ayaagoo doonaya in ku raaxeystaan cayaaraha xiisaha badan ee horyaal oo meeshiisi ugu fiicneyd maraya. kulankii galabta waxaa si weyn ugu gacan sareeyey koox Bay city club oo ku xaaqdey kooxdii ka soo horjeeday ee horseed 5-0. Tani waxey muujineysaa awaada ka muuqato kooxdan oo kulankii hore aan idin soo tabiney ka soo badisay Baysom hada guusheedi meeshii ka sii wadato. kooxda Horseed oo maanta laga yaabsadey ayaa waxaa la rajeynayaa in ay dib boorka iskaga jafto oo is bedel weyna la imaan doonto kulama soo socdo.

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *