Cristiano Ronaldo ayaa ka codsaday Al Nassr inay dalab qaali ah ka gudbiyaan Kevin De Bruyne marka uu dhamaado heshiiska ciyaaryahanka khadka dhexe ee Manchester City. (Mundo Deportivo)
Manchester United ayaa la filayaa inay wadahadalo la furto tababarihii hore ee Bayern Munich Thomas Tuchel hadii ay kooxdu doorato inay ka tagto Erik ten Hag. Tababaraha ayaa horay si aad ah loola xiriirinayay inuu u dhaqaaqayo Old Trafford markii shaqada Ten Hag ay halis gashay xilli ciyaareedkii 2023/24. (The i Paper)
Barcelona ayaa u furan inay amaah ku dirto Ansu Fati mar kale inta lagu jiro suuqa kala iibsiga ee Janaayo. Kooxda ayaa u ogolaan doonta ciyaaryahanka inuu baxo hadii ay la soo wareegaan bedelka. (Diario Sport)
Man Utd ayaa diiwaan galisay xiisaha ay u qabto daafaca dhexe ee Aston Villa Pau Torres. Red Devils ayaa doonaysa in ay ku iibiso lacag dhan £42m si ay ula soo wareegto daafacan tayada leh. (Fichajes)
Liverpool ayaa kula biirtay Manchester United tartanka loogu jiro saxiixa Adam Wharton. Reds ayaa lagu soo waramayaa in ay diyaarinayso dalab ku kacaya 37 milyan oo gini si ay xiddiga khadka dhexe ugu soo xero galiso bisha January. (Ekrem Konur)
Kooxaha Man Utd iyo Man City ayaa isku diyaarinaya sidii ay ula soo wareegi lahaayeen da’yarta aadka loo qiimeeyo ee Swansea City Harlan Perry iyo Brogan Popham. (The Mirror)
Juventus ayaa qiimeyneysa qandaraaska ay kula soo wareegeyso wakiilka xorta ah ee Joel Matip. Daafaca ayaa loo arki doonaa bedelka mustaqbalka dhow ee Gleison Bremer, kaasoo dhaawac halis ah soo gaaray kulankii Champions League ee ay ka badiyeen RB Leipzig. (Fichajes)
Aston Villa ayaa diiday dalabyo uga yimid Bayern Munich iyo Paris Saint-Germain oo ku aadan xiddiga da’da yar ee Jhon Duran intii lagu jiray suuqa kala iibsiga xagaagan. (Diario AS)
Arsenal ayaan haatan wax qorshe ah u hayn in ay iska iibiso Thomas Partey inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga January. Qandaraaska ciyaaryahanka khadka dhexe ee Emirates Stadium ayaa ku eg dhamaadka xilli ciyaareedka 2024/25. (Fabrizio Romano)
Barcelona ayaa hogaaminaysa Real Madrid tartanka loogu jiro saxiixa David Cordon. Daafaca bidix ee 16 jirka ah ayaa loo arkaa mid ka mid ah rajada daafaca ee ugu kulul Spain. (Fichajes)
Wixi warar ah ee ku saabskan kubada cagta waxaad kala socon kartaa halkaan maalin kasta iyo saacad kasta. https://www.footbool.net/ ama waxaad kaloo kala socon kartaan facebook bagekeen oo aan maalinkasta soo dhigno wixii warar ah ee ku saabsan kubbadda cagta. https://www.facebook.com/