Tababaraha Manchester United Erik ten Hag ayaa ku eedeeyay guuldaradii shaley  is aaminaad la'aan ka dib markii uu xilli horeba laga dhaliyey goolal guuldaradii 3-0 ee kooxdiisa ka soo gaartay Tottenham Hotspur. Kooxda Ange Postecoglou ayaa guuldarro la’aan ku soo baxday Axadii iyagoo soo bandhigay qaab ciyaareed wanaagsan garoonka Old Trafford, halkaasoo kooxda martida loo ahaa ay ku qasbanaadeen inay ciyaaraan qeybtii labaad ee ciyaarta ay nin dheeraayeen ka dib markii Bruno Fernandes casaan la siiyay.
Tottenham ayaa hogaanka ciyaarta qabatay seddex daqiiqo gudaheed markii Micky van de Ven uu 70 yard si toos ah u dhex marey khadka dhexe iyo daafaca United ka hor inta uusan u dhigin Brennan Johnson si uu ugu hubsado shabaqa.

Isagoo la hadlayay BBC Sport ka dib guul daradii Axadii, tababaraha United Ten Hag ayaa dhaleeceeyay maskaxda ciyaartoydiisa ka dib markii ay gool laga dhaliyey.
"In gool laga dhaliyo labo ama seddex daqiiqo ka dib, waxay sameysay kalsoonida cayaartoyda," ayuu yiri. gabi ahaanba in gool lagaa dhaliyo- daqiiqadaha ugu horeeyo ee cayaarta waxey kooxda ka soo horjeeda kalsooni weyn ayago kaa soo galaya kooxda dhan kasta dhanka midig iyo bidix, Qalad la mid ah kii bartamihii isbuuca hore ka dhacay Twente, waa qalad. waa in la joojiyo daqiiqada ugu horeysa.

"Waqtigaas wixii ka dambeeyay waxaan ku dhibtoonay kubada, ma aanan furayaasha, waxaan heysanay waqtiyo fiican, laakiin waxii waqtigaas ka dambeeyay ma aanan heli karin wax ka fiican taas, xitaa ka dib markii sidan oo kale ah. qalad nagaga yimid waa inaan is dejino.

“Waxaan helnay fursado fiican aan ku soo laaban lahayn ciyaarta, iyadoo Joshua Zirkzee iyo Alejandro Garnacho aan ka faaideyn intaan qaadan roosaha oon aan wali haysanay 11 ciyaaryahan, ka dib casaankii waxaan heyney fursado kale laakin kama faaideysan. “Waxaan helnay fursadeena ka hor qeybta nasashada, qeybtii labaad anagoo 10 ciyaaryahan ah sidoo kale waxaan helnay fursado, xaqiiqdii waxay saameyn ku yeelatay ciyaarta, uma maleynayo inay aheyd casaan.
Wixi warar ah ee ku saabskan kubada cagta waxaad kala socon kartaa halkaan maalin kasta iyo saacad kasta. https://www.footbool.net/ ama waxaad kaloo kala socon kartaan facebook bagekeen oo aan maalinkasta soo dhigno wixii warar ah ee ku saabsan kubbadda cagta. https://www.facebook.com/

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *