Ciyaaryahanka khadka dhexe ee reer Holland Xavi Simons ayaa doonaya inuu si joogto ah uga tago Paris Saint-Germain xagaaga soo aadan. Liverpool, Manchester United iyo Manchester City ayaa dhamaantood isha ku haya amaahda RB Leipzig, kaasoo lagu qiimeeyo €80m (£67m). (BILD - Jarmalka)

Liverpool iyo Man Utd ayaa sidoo kale waji ka waji ku wajihi doona saxiixa daafaca bidix ee Fulham Antonee Robinson. (The Sun)

Man City ayaa muujisay inay diyaar u tahay inay bixiso €100m (£83.7m) oo ay ku doonayso xiddiga khadka dhexe ee Bayern Munich Jamal Musiala, kaasoo sidoo kale ay dooneyso Real Madrid. (TEAMtalk)

Arsenal ayaa go'aansatay inay la soo wareegto garabka Villarreal Yeremy Pino, iyagoo go'aansaday in 21-sano jirkaan wax badan ka bedeli karo nidaamka Mikel Arteta. (Fichajes - Spain)

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Red Bull Salzburg Oscar Gloukh ayaa u muuqda inuu bartilmaameed u yahay Man Utd, kaasoo u arka xiddiga Israel inuu yahay bedelka mustaqbalka fog ee Bruno Fernandes. (fussball.news – Germany)

Liverpool ayaa diyaar u ah inay bixiso €120m (£100.5m) si ay ula soo wareegto 21 sanno jirka qadka dhexe ee Bayer Leverkusen Florian Wirtz. (Defensa Central - Spain)

Dominic Calvert-Lewin ma rabo inuu qandaraaska u kordhiyo Everton, iyadoo Newcastle United ay weli isha ku hayso xaaladiisa. (Caughtoffside)

Chelsea ayaa siin doonta garabka Mykhailo Mudryk fursadii ugu danbeysay ee uu wacdaro ka dhigo kulanka Carabao Cup Talaadada ay la ciyaarayaan kooxda ka ciyaarta League Two ee Barrow. Xiddiga garabka ka ciyaara ayaa diyaar u ahaa suuqa kala iibsiga intii lagu jiray xagaaga waxana uu waayay booskiisii ​​Enzo Maresca. (GIVEMESPORT)

Baadigoobka joogtada ah ee ay Real Madrid ku raadinayso daafac dhexe oo cusub ayaa la arkayay dad indha indheeyayaal ah oo daawaday xiddiga RB Leipzig ee Castello Lukeba. (MARCA – Spain)

24 jirka garabka ka ciyaara ee Galatasaray Baris Alper Yilmaz
ayaa waxaa doonaya Aston Villa, Fulham iyo Nottingham Forest, halka saaxiibkiisa Turkiga, 19 jirka Besiktas, Semih Kilicsoy, uu xiiseynayo Brighton & Hove Albion iyo Tottenham Hotspur. (Caughtoffside)




Wixi warar ah ee ku saabskan kubada cagta waxaad kala socon kartaa halkaan maalin kasta iyo saacad kasta. https://www.footbool.net/ ama waxaad kaloo kala socon kartaan facebook bagekeen oo aan maalinkasta soo dhigno wixii warar ah ee ku saabsan kubbadda cagta. https://www.facebook.com/

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *