Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Manchester City Rodri ayaa maqnaan doona inta ka dhiman xilli ciyaareedka ka dib markii uu soo gaaray dhaawac intii lagu jiray kulankii ay barbaraha 2-2 la galeen Arsenal, sida ay sheegayaan wararka. Rodri, oo si cad uga hadlay dhibaatada jireed ee ka soo gaartay jadwalka adag ee kooxdiisa, xitaa wuxuu ku majaajilooday fikradda ah inuu shaqo joojin sameeyo si uu isbedel ugu sameeyo, ayaa lagu qasbay kaliya 20 daqiiqo ciyaarta ka dib markii uu dhulka ku dhacay isagoo isku dayaya inuu kubad ka daboolo xerada ganaaxa dhexdeeda.
Sida uu markii hore shaaca ka qaaday wargeysa MARCA, Rodri waxa uu tijaabo ku maray Manchester kaas oo tilmaamaya in jilibka midig uu jeexan ka galey. Ciyaaryahanka khadka dhexe ayaa la rumeysan yahay inuu u safrayo Madrid si uu baaritaan dheeri ah ugu sameeyo iyo baaritaanka ugu dambeeya, ee rasmiga ah. ESPN waxay sheegtay in dhaawaca hore loo xaqiijiyay.
Dhaawaca noocan oo kale ah ayaa laga yaabaa inuu gabi ahaanba ka maqnaan doono Rodri ololaha 2024/25 – dharbaaxo weyn ayay ku tahay dadaalka ay City ku doonayso inay Arsenal ka qaado horyaalka Premier League sanadkaan.
Rodri ayaa ka mid ah musharaxiinta ugu cad cad ee ku guulaysan doona abaal marinta Ballon d’Or xiliciyaareed kan ka dib markii uu sanad ciyaareed heersare ah la soo qaatay koox iyo wadanba, waxaana maqnaanshihiisa si wayn u dareemi doona kooxda City oo aan haysan badal dabiici ah oo ay ku fadhiisan karaan saldhiga dhexe ee khadka dhexe. Pep Guardiola ayaa soo bandhigay Mateo Kovacic si uu u bedelo Rodri kulankii Arsenal, halka ciyaartoyda sida Ilkay Gundogan, Rico Lewis iyo xitaa daafaca dhexe John Stones ay dhamaantood ay ka caraari karaan booskaan oo buuxin karaan saldhiga dhexe xilli ciyaareedkan.

Wixi warar ah ee ku saabskan kubada cagta waxaad kala socon kartaa halkaan maalin kasta iyo saacad kasta. https://www.footbool.net/ ama waxaad kaloo kala socon kartaan facebook bagekeen oo aan maalinkasta soo dhigno wixii warar ah ee ku saabsan kubbadda cagta. https://www.facebook.com/

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *