Rasmus Hojlund iyo Mason Mount ayaa labadoodaba ku soo laabtay tababarka Manchester United iyadoo labada ciyaaryahan ay ku dhow yihiin iney ka soo laabtan dhaawacooda.
Hojlund ayaa dhaawac muruqa ah ka soo gaaray xilli ciyaareedkii hore, lamana arag tan iyo markaas, halka arrin la mid ah ay ku dhacday Mount kulankii labaad ee xili cayaaredkan ee Brighton & Hove Albion.
Nasiib wanaag United, labada xidig ayaa lagu arkey tababarka maalintii Arbacadii, kooxda ayaana markii dambe xaqiijisay in Hojlund iyo Mount ay ka qeyb qaateen kulanka kooxda inteeda kale.

Tababare Erik ten Hag ayaa ka fikiri doona in uu midkood ku soo geliyo garoonka. waxaana ku faraxsan kooxda Red Devils inteeda kale waxaa laga yaabaa in ayna u baahnayd laba xidig inkastoo qaab ciyaareed oo cajiib ah labadii kulan ee ugu dambeeyay ay u cayaareen. United ayaa ka soo kabsatay guuldaradii ka soo gaartay Liverpool ka hor fasaxii caalamiga ah iyagoo 3-0 kaga badiyay Southampton, waxaana ay taasi raacday 7-0 ay ku xasuuqday kooxda Barnsley oo haatan ku jirta kaalinta 7aad ee kala sareynta League One.

Crystal Palace ayey safarka ku aadi doonan sabtida, Ten Hag waxay u badan tahay inay ku abaal marin doonto in uu ku soo galo xidigihii wacdaraha ka dhigay bartamihii isbuuca bilow kale.

Dhanka weerarka Marcus Rashford ayaa dhaliyay seddex gool labadii kulan ee ugu dambeysay. Waxa uu ku soo bilowday si sare kulankii Barnsley laakiin waxa uu ku soo laaban karaa garabka bidix, iyadoo saxiixii xagaaga ee Joshua Zirkzee uu dookh u yahay weerarka. Mount ayaa wacdaro dhigay xilli ciyaareedkii hore iyo todobaadyadii ugu horeeyay ee xili cayaareedkan haatan socda laakiin waxa uu wajahayaa dagaal uu ku doonayo in uu ugu soo laabto kooxda Man United kadib imaatinka Manuel Ugarte kaas oo sidoo kale isha ku haya kulankii Barnsley.
Wixi warar ah ee ku saabskan kubada cagta waxaad kala socon kartaa halkaan maalin kasta iyo saacad kasta. https://www.footbool.net/ ama waxaad kaloo kala socon kartaan facebook bagekeen oo aan maalinkasta soo dhigno wixii warar ah ee ku saabsan kubbadda cagta. https://www.facebook.com/

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *